Somaliland iyo Maanta: ( The current political and social situation in Somaliland).

Somaliland maanta waxay ku jirtaa marxalad adag , waa :

(Markaad eegto dhanka nolosha,
Markaad eegto dhanka siyaa
sada ,
Markaad eegto dhanka dhaqaalaha ,
Markaad eegto dhanka nabadgalyada ,
Markaad ka fiirso dhanka midnimada iyo wadajirka umada,iwm.Dhankasta oo aad ka eegto , waxa kusoo baxaaya ,inay Somaliland guud ahaan ku sugantahay xaalad adag , loona baahanyahay  in laga badbaadiyo khatarahaa kala duwan , oo run lagaga badbaadiyo , ee aan khayaali iyo lab lakac aan lagu waajihin).
__________________________________________

Waxa loo baahan koox adag oo aragti leh ,oo habaysan , oo dalkooda iyo dadkooda ka badbaadiya , dhibaato kasta oo dalka ku habsan karta , waayo hadii dhib dhaco cid walba waa saamaynayaa.

Talaabada ugu horaysa , ee maanta aan u arko ,in lagu dhaqaaqo ,ahmiyad gaarana la siiyo , waxa weeye ,in la abuuro ,la falkiyo sidii loo samayn lahaa :

(DIB-UHESHIISIIN SIYAASADEED , BULSHO OO RASMIYA IYO IN LA SOO CELIYO HANAANKII NABADGELYO EE UMADU KU WADA NOOLAAN LAHAYD).

(IN LAYSKU DAYO SIDII UMADDA SHACABKA AH EE WALAALAHA AH QULUUBTOODA LOO MIDAYSIIN LAHAA , DAREENKOODANA LAYSUGU SOO DHAWEYNLAHAA, SAWIRKA SOMALILANDNIMADANA LOO QURXINLAHAA.)
__________________________________________

In umada maskaxda laga heshiisiiyo, waayo dagaalku had iyo jeer waxa uu ka dhashaa, waa hadba aragtida bulshada dhextaala iyo qaabka loo fikirayo. bulshada hadii ay dareento inay kala mudantahay , kala horayso,u kala horayso adeega dowladnimo , waxaa dhaca waxa loo yaqaano ( social greviences). Ama dareen cadaalad daro oo bulshada ku faafta , iyadoo aakhirka sababta isku dhac bulsho ama qalalaashe siyaasadeed ( political violence ), taasina waxay majarada ka leexisaa hanaankii nololeed iyo wada noolaanshihii bulshada , waxay burburisaa dhamaan waxii la wada lahaa iyo guud ahaan sawirka guud ee umadaasi leedahay , haday xeerar ahayd , dowladnimo ahayd , iwm.

Sidaad awadeed waxay ilatahay :

Waa in la abuuraa dibu heshiisiin siyaasadeed oo quluubta shacabka laysu soo celiyo , si loo helo wada noolaansho , ku dhisan nabadgalyo iyo is aamin.

(National Political Reconciliation & Restoration of National Security at high level). Waxaan aaminsanahay inay fududahay , sida loo abaabulayaa , waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka iyo dadkaba.

Mashruucaas hadii loo guntado, cid waliba kaalinteeda ka qaadato , bulshada qaybaheeda kala duwan loo habeeyo, dhalinta loo soo bandhigo oo loo sheego in khatar lagu jiro , la fahmo waaqica dhabta ah ee Somaliland yaala , lagana midho dhaliyo, waxay keenaysaa:

* In bulshadu isa saamaxdo qalbigana laga heshiiyo : ( Social forgiveness & Reconciliation of mind),

*Waxay keenaysaa in dareenka cadaalad daro ee bulshada ku kala dhexjiraa yaraado ( Minimization & Settlement of Social Grievances),

(Grievance means = A belief that you have been treated unfair), waa marka qofku cadaalad daro tirsado .

* In bulshadu isku dhiirato oo is dhexgasho oo bulshadu dareento inay mid tahay (National Integration both socially and economically), aragtida is dhexgal ama bulshada oo dareenka ka midowda waxa lagu qeexaa guud ahaan sidan hoose:

(Integration means that though the individuals belong to different communities, castes, religions, cultures and regions and speak different languages, all of them recognize the fact that they are one. This kind of integration is very important in the building of a strong and prosperous nation).

Waa bulsho meel ku wada nool isku mid ah sida somaliland , ama kala duduwan sida bulshooyinka caalamka , laga yaabo iyagoo isku dal ah hadana kala duduwan ,dhaqan , diin , midab ,luqad, iwm oo hadana isku dareen ah ,isku aqoonsan inay mid yihiin wax waliba ka dhaxeeyaan. Dareenkaasi ayaa abuura is dhexgal iyo is aamin bulsho iyo umad ku guulaysata maaraynta nolosheeda.

*Waxay suuro galinaysaa, in la ilaaliyo oo lawada ilaashado danta guud ee la wada leeyahay , lana dhowro waxa lagu heshiiyey ,( Possibility of rule of law and protection of National Goals collectively),

* Waxay keenaysaa inay bulshadeena kala qoqobani fahamto in dantu ku jirto in la wada noolaado ,garaadkoodu koro , nolosha si dhaba loo fahmo, dadku aanay noqon Karin dad lagu guuri karo oo u diyaarsan uun cid ujeedo leh , ee dadku ay xor ka noqdaan wax kasta .( freedom of mind , Undersanding their strengths and identifying their needs as well),

*  Ugu danbayn , waxay talaabadaasi Qurxinaysaa , qayb weyna ka qaadanaysaa ,sawirkaa guud ee wadanka iyo in wadanka lagu soo dhiirado caalamiyan , inay aqoonsiga wax ka tarto , in daneeyayaasha caalamka isku soo haleeyaan/halaynkaraan dalka iwm.

( It creates a good image for the country , and for the people of Somaliland, also this process of (Reconciliation and settlement of social disputes ) is facilitating to accomplish our National Goals ,such as obtaining Recognition from the international Community , attracting foreign investment opportunities etc.)

Bulsho kala tagan , oo maankeedu kala taganyahay , cidiba ma aqoonsato , cidina maalgashi kuma samayso , lamana soo agmaro , waayo layskuma halayn karo.

YUU XILKAASI SAARANYAHAY?.

Talaabadan waxaan u arkaa inay tahay waajib qaran , oo saaran dhamaan umada ku abtirsata Somaliland guud ahaan, gaar ahaana hadba cida masuuliyada haysa , iyo dhamaan hogaamiyayaasha bulshada .

Hadii aan soo koobo talaabadani waxay saarantahay , masuuliyadeedu wa hogaamiyayaasha bulsha , hogaamiyayaasha bulshadu waa ayo markaas?.

Marka laga hadlayo hogaamiye bulsho waxan u qaybinayaa ,laba nooc ama qaybood oo waawayn sidan hoose :

1.   Hogaamiye siyaasadeed ( political leaders ),

2.   Hogaamiye bulsho ( Social Leaders ).

Hogaamiye siyaasadeed waa la fahamsanyahay waa dadkaa ka shaqeeya arimaha siyaasada , dowlada ee bulshada adeega dowliga ah ama siyaasiga ah u fidiya. ( maamulka iyo maaraynta danaha caamka /guud ee bulshada .

hogaamiye/hogaamiyayaal bulsho ama dadka bulshada hogaamiya ee aan siyaasiyiinta ahayn waxan sii qaybinayaa sidan hoose :

  I.   Hogaamiye dhaqan ( traditional leaders ),

  II.   Hogaamiye diineed ( Religious leaders/scholars )

  III.   Aqoonyahano madaxbanaan ( scholars and professional leaders), waxa soo hoos galayaa dhamaan hogaamiyayaasha ururada bulshada ee kala duwan ( civil society organizations , business undertakings , professional organistions etc).

Waa hogaamiyayaasha jaangooya dhamaan habdhisyada kala duwan ee bulshada , ee dhaqan leh , diin leh, ee aqoon leh , ururo , ee ganacsato leh iwm.

Masuuliyada badbaadada qaranka Somaliland waxay maanta sugaysaa waa dhamaan noocyadaas kala duwan ee bulshadeenu ay leedahay .

Dalkasta intaasaa badbaadisa oo u fikirta inay dhibka ka saarto.

Umad kasta hogaamiyeyaasheeda ayaa dhibkeeda xaliya , shacabkoodana isu keena , horumarna gaadhsiiya. Somalida laakiin waaba inta logooyadooda ka shaqaysa Ayaan filayaa.

Hanaanka loo bilaabayo , iyo sida loo daraasaynayaa , qaabka bulshada loogu sheegayo inay qayb qaataan ama loo dajinaayo siyaasad cad( Social participation policy which is applicable to the somaliland’s social structure), dhamaan waxii suuro galin lahaa , waxaasoo dhan waxay u baahantahay , degenaansho,daraasad waqtigeeda leh, dood bulshada dhexmarta gaar ahaan dhalinta , ururin argti bulsheed, (barriers communication phylosophy) oo ah inaader dhibka jira loo bandhigo bulshada,la yidhaa waxana soo socdee ka warama , in bulshada la dhiso oo lagu dhiiri galiyo inay noqdaan dad xalinkara dhibaatooyinka ka dhex abuurma(Social empowerment) , hadba sida loo waajaho , ayay guusheeduna ku xidhantahay.

Waa in talaabo degdega loo qaada arimahas aan tilmaamay , hadii kale mustaqbalku waa foolxunyahay bulshoy.

 

 

Abdirashid Hussein Yousuf,
Email: gahaydhle@live.com,
Doha,Qatar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker