Safiirka Imaaraadka oo Guulo Cusub Keennay!

Safiirka Cusub ee  United Arab Emirates  (UAE)  Hassan Yaasiin Hirad  ayaa laga qoray  warbixin xiiso badan oo ay  daabaceen Warbaahinta ugu caansan Imaaraadka  waxaana ay  soo qaateen Hadal kooban oo uu ka yidhi xidhiidhka labada dal.
Waxa aad uga hadlay Warbaahinta ugu Caansan Emirate ka Sida Khaleejka iyo Alarabia  waxaannu ka hadlay Xidhiidhka labada Dal isagaa aad ugu mahadnaqay Madexweynaha Khalifa Bin Zayid Al Nahyan iyo golihiisa wasiiradda isagoo sheegay in Imaaraadku caawinayeen saddexdii qarni ee u dambeeyay Bulshaddda soomaalilaand oo ay fidiyeen gargaar ibnu aadanimo.
Waxaannu safiirku ka codsadday innay sii laban laabaan taageeradda iyo caawinta dawladda iyo shacabka soomaalilaan.
Waxa kale oo uu Hassan Hirad ka hadlay Maalgalinta Dekadda Berbera  oo dhawaan la bilaabo doonno  iyo xidhiidhka horumarineed ee ay wadda leeyihiin Labada dal isagoo aad u amaanay xidhiidhkaas soo jireenka ah ee saddexda Qarni ah.
Waxa kale oo uu ku amaanay Gurmadka iyo gargaarka ay u fidinayaan walaalahooda UAE Isagoo qeexay innay maalgashi ganacsi ay bilaabi doonnaan Imaaraadku.
Waxaannu ka codsaday dawlads UAE innay sii waddaan wada shaqaynta iyo caawinta ibnu aadanimo ee ay horeba u bixin jireen waannu ku amaanay Wada shaqaynta iyo Xidhiidhka fog ee ay lahaayeen.
Safiirka cusub ee Emaraatka Hassan ayaa ah wiil dhallinyaro ah kaas oo la filayo innuu guullo waaweyn ka keeni  doonno imaaraadka.
Rakad Mxd Sultan
Berbera.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker