Madaxweyne Trump oo Gaadhay London iyo Mudaharaadyo Laga Cabsi Qabo in ay Dhacaan

Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Donald Trump iyo afadiisa Ms Melania Trump ayaa Gaadhay wadanka Uk oo uu booqasho ku joogi doono afarta maalmood ee soo aadan waxaana dalkaasi durbaba laga dareemayaa saameyn ka dhalatay Safarkiisa oo looga soo horjeedo.

Shacabka Uk ayaa qaarkood qorsheynaya dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan Mr Trump booqashadiisa.

Inta uu booqashada ku joogo Landon ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Ra’isul wasaaraha wadankaasi Theresa May oo ku dhaleeceysay dowlada mareykanka habdhaqankeeda ku aadan xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac.

Dhanka Kale Madaxweynaha wadanka mareykanka ayaa sheegay in uu shaki ka qabo hab uu u socdo qaabka ay Uk kaga baxeyso ka mid ahaanshiyaha dalalka reer yurub,isaga oo intaa raaaciyay in shacabka Uk aysan helin wixii ay u codeeyeen.

Ms May oo ka jawaabeysa hadalka Trump ayaa waxaa ay sheegtay in ay si wanaagsan u socoto,iyada oo si adag u difaacday siyaasada Dowlada Uk.

Socdaalka uu Trump ku gaadhay magaalada Landon ayaa waxaa uu ku soo aadayaa kadib ka qeyb galkiisa kulankii wadamada gaashaan buurta Nato ee Ka Dhacay Magaalada Brussels ee caasimada Wadanka Belguim.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker