TPLF oo shuruud cusub ku xirtay inay hubka dhigaan

Hogaamiyayaasha Tigrayga ayaa sheegay in ciidamadooda aysan hubka dhigi doonin ilaa dadka degan gobolka waqooyi ee Itoobiya laga damaanad qaadayo ammaankooda.

Hub ka dhigista ciidamada iyo kooxaha maleeshiyada waxay qayb muhiim ah ka ahayd heshiiskii nabadeed ee ay dawlada iyo kooxda TPLF kala saxeexdeen 2-dii November.

Labada hogaamiye ee ugu sareeya xisbiga Tigray ee TPLF ayaa ku eedeeyay ciidamada Eritrea inay wali dhaqdhaqaaq ka wadaan waqooyiga Itoobiya halkaas oo ay ka geysanayeen tacadiyo.

Arintan ayay sheegeen in ay ku adkaatay Ciidamada TPLF in ay hub ka dhigis ku sameeyaan.

DR Feysal rooble oo ah khabiir ka faalloda arrimaha siyaasadda ee Ethiopia ayan wax ka weydiinay arrimahani saameynta ay ku yeelan karaan heshiiskii ka dhacay dalka Koofur Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker