MAXAMUD XASHI ILAYN DOQONI QIIQ KAMA KACDEE DAMANKAY MEER MEERISAA WADDANKII WAAD CUNTEENE MAXAAD MAATADA UGA TAGTAY
Somalilandย ย aan xasileyninee samada xiimeysa
Somalilandย xalaashii yartahoy badatay xaaraantu
Somalilandย xishood ceeb yahoo lagu xikaayeysto
Somalilandย xumaantii gar tahay xaquna duugoobay
Somalilandย ninkii Xararba taga kuba xujoobaayo
Somalilandย midkii reerka xada loo xadreynaayo
Somalilandย xannaannaduba tahay xaalufkiyo boobka
Somaliland maxamudkii xaday manta faro fiiqay
Somalilandย nin xuutaan ahaa xoog ku faanaayo
Somalilandย Xaabley iyo Injiriย hargaysa ka tookheyso
Inkastoo xurgufo hoose iyo qabiil laysu xulufaystay
Mar haddiiย fartii iyo ishii kaadhkaย xukuntan loo diiday
Waxaa ragg u liita nin danbas ka kacay oo dhuxushii noolayd dadka ka bakhtiiyey oo hadana isa soo hortaaga waxaa hadlay wasiirka arrimaha debeda ee imaaraadka waa la wada dhegaystay maxaa maxamud xashi inoo hayaa ee inoo sheegayaa isagaa wax loo saxeexaye muu ka jawaabo intuu is leeyahay belayaayaa kugu soo bixi aad cuntay kolayn calafsan maayee maataduu dhacayna wayย ogyihiin illahayna (sw) waa arkaa
Xuunshada sideedii qof cuna xaabka soo uraya
Xayawaanno duni waa jiraan xoor wax dheeryahaye
Kan xaraarad hooggeen u qaba xasarad sii socota
Ee ย xaseyso weli maal lahow xaasid baad tahaye
Xaakada bukaannada ildaran xiito waayeel ah
Xaamilada ilmeyneysa ee uu kufrigu xaydxeyday
Xaafidul-Quraannada gubtee xaabo laga yeelay
Ubad xabadka laga toogtay iyo xiidmahaa daadsan
Xinjiraha qulqulayaba haddaad xilal ku dooneyso
Yey kaa xargagin ee intaad xaabsatoo kariso
Meydkooda xago oo ka dhereg xaalku kaa murugye.
CABDI CALI OBSIYE
jmladam413@gmail.com