Buurtii Foolatay, Ma Bakaylay Dhashay? Qaybtii Labaad

Haddii aanad qaybtii koobaad ee qormadan soo akhrisan, fadlan ka soo akhriso mareegaha daabacay ee ay Oodweynenews.com ugu horrayso. Waxaynnu sidaasi u leenahay, maqaalku dhandhan kuu yeelan maayo – haddii aannu kuu taxnayn!

Si aynnu qormada uga sii wadno halkii ay innoo taagneyd ee ahayd, madashii maxaa ka dhacay? Aynnu jelleecno madasha oo Jubuuti ahayd iyo sidii ay wax uga dhaceen.
Runta marka la sheego, dawladda Jubuuti; si aad ah ayay iskaga xilsaartay: soo dhaweyntii wufuudda, maamuuskii iyo martigelintiiba – waanay ku ammaanan tahay.
Marka laga reebo: gacanqaad la’aanta, cafuufta (mask)ka afka lagu xidhnaa iyo xaaladaha kale ee uu abuuray (covid 19)ku oo suudhkii iyo salaantiiba shiiqiyey, haddana waxa garoonka qurxiyey: qadiifaddii casayd, askarta safnayd labada dhinac ee qadiifadda oo iyaguna xidhnaa direys cas!
Marka aynnu dhinaca kale ka eegno, xagga soomaalida waxay maalintaasi ahayd maalin taariikh ah! Waayo, waa maalintii ay abidkood meel ku kulmaan: saddex madaxweyne oo soomaaliyeed, ra’iisulwasaare iyo xubno wasiirro ah oo intaasi leegi –iyaga oo ka arrinsanaya danaha ummadda soomaaliyeed. Sidaasi awgeed, qof kasta oo damqasho iyo diir soomaaliyeed lihi aad ayuu ugu faraxsanaa shirka dhici doona – oo la filayey in wax weyni ka soo bixi doono!
Marka laga tago dadka caadiga (the grass roots), aqoonyahanka soomaliyeed wuxu filanayey – gaar ahaan kuwa shirarka caalamka la socdaa; in wax weyn la diyaariyey oo ay jireen, guddi hoosaadyo farsamo oo muddo soo shaqaynaayey – madaxdana loogu yeedhay saxeexidda waxyaabihii la soo diyaariyey iyo bilidda xafladda!!

Waxase uu madashii boodhku ka duulay, markii wafdi waliba miiskii dhinac ka fadhiistay ee uu akhriyey khudbad haatan kow ah oo weliba ah iga qabo iyo waa markaygii!!
Nin Soomaaliyeed ayaa beri hore laga sheegay, in uu yidhi, ” Afar qolobo mid keentay, waxay soo dhoodhoobeen
waa dhaankii dabagaale ee dhirfacowga lahaa.”
Halkaa marka ay marayso, ayuu ninkii caqliga lahaa ka hadhay shirka oo uu yidhi, ” Wallee af aan arko, ilko kama soo jeedaan!” iyo macno la’aani, ” Soomaali waa meheraddeedii!”

La soco akhriste, qaybaha dambe ee qormada oo aynnu ku qaadaa dhigi doonno – waa haddii aynnu nafta haynnee-
qolo waliba ujeedada ay shirka u tagtay iyo waxa ay kala soo noqotay.

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker