” Dib u curasho kacaaan “

Kacaankii baa lagu xasuustaa inuu cabudhiyo xoriyatul qawlka.
Aabbeyaasheen baaa lagu xidhay laguna laayey oo aragoodii iyo laxaad koodiba u waayey inayn cabirrinaa fikirkooda ama inay si xora ah wax uga faallodaan.

Waxay u fikireen sidii ay u ahaan lahaayeen xor ka xorooba cabudhinta iyo cadaadiska kacaanka waxaanay u soo mareen halgan hubaysan oo ay nafahooda u hureen sidii yaga ku dhacaday inanay ku dhicin ubadkooda oo aanay u noqon dadku nool cabudhin oo dareemaya cidhiidh aabboyaashood uga tageen.

“Way ka xoroobeen cabudhintii iyo cadaadiskii si ay ugu noolaadaan xoriyad”

Muddo laga joogo 28 sanadood ayeynu xor u ahayn hadalka fikirka oo aynu ku naaloonay nabad baadhaadhe, barwaaqo iyo horumarba waynuna ku noolayn kuna kacaanay dhamaanteen

Balse xukuumadii cusbayd ee halgankana soo martay ee ay cududa u ahaayeen halgamayaashii waxaynu ka dareenaynaa cabudhin dhanka hadalka iyo socodka ah lakiin su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah.

maxaa keenay cabudhinta?

Waxay ila tahay in xukuumadu aanay lahay qorshayaal ama hiigsi ay ahayd maalin walba in ay talaabo qaado oo ah siyaasad si horumar la taaban karo loo gaadho. Intaa markay waydo waa inay eegtaa bulshada si aan looga hadal xorshe la’aanta.

Xadhiga qof fikirkiisa hadlay waa eegmo indho la aaaneed oo xaga siyaasada ah

Inanbaa riyootay waa la xidhay”
Wariye ayaa dalka yimi waa la xidhay”
Caleemo saar baa boqor tegay waa la xidhay”
Inan baa muuse local yiri waa la xidhay”

Ha la yaabina waxaa ina soo eegaya indho caafimaad qaba oo siyaas la’aaneed

Hadii siyaasada aynu ka dhisannahay waxaynu maqli lahayn ictiraafkii baa naloo balan qaaday iyo waddooyinka ayaa shirkad china ah inoo dhisaysaa shidaalka ayaa la soo saarayaa jaamacadaha dalka ayaa wada free laga dhigayaa si dal aqooni taalo aynu u noqono waxaa caafimadka inaga qaabilay dalkaa si ay tayeyso. iyo bada kalluunka ku jira ee la iska gurto ayaa la inaga iibsanayaa si heersaraysa ,

“Xukuumada siyaasada ka madhani waxay ku mashquuli hal qof oo gurigooda ka dhex hadlay”

Xukuumadi sidan kuma maqnee aynu isxilqaano oo qofkastaa ha ka fikiro sidii qarankeena somaliland ee quruxda caanka ku ahi sidii uu wax ugu soo kordhin lahaa ee aynu ula tartami lahayn dalalka caalamka ee aan la ictiraafin ee wershadaha iyo wax soo saarka caanka ku ah

Somalia waynu ka dheeraynay ee yaan xukuumadu indho u yeelan meeshaa burburka ah ee uu yaaalo dilka. Qarax. Iyo dhiiga daadanaya.

Somaliland qurux dhisme iyo mid horumar, dhaqaale, iyo aqooneedba ayey caan ku tahay ee uma baahna cabudhin iyo xoriyad ka qaadid dhanka hadalka ah

Kacaankuu wuu soo dhamaadee xukuumadu ha u socoto hore ileen yagaa keenay “hore ayaa loo soconayaaye ”

Kacaanku haduuse dib u curasho yahay waxaa loo baahan yahay halgan dib u xoreyneed!

 

 

 

W/Q Abdisamed Osman

abdisamed0000@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker