Barnaamijkii “Ma ogtahay waxa jira wixii jiray” Sannad walba xiliga Gu’ga Iyo Xayawaanka Dhala markay jiilaalka ka soo doogaan + SAWIRO

Xayawaanka oo baaley, bad jog, iyo beri jog intaba leh ayaa si ay u tarmaan illaahay (sw) u sahlaa xiliga uGu fiican ee ay caruurtooda u korsan lahaayeen oo ah xiliga Gu’ga hadaba xiligan oo ah mid munaasib ku ah in ay xayawaanaadku korsadaan ubadkooda si sahlan uGu soo heli kara cuntooyinka ay siiyaan ayaa ah mucjiso cajiib inoogu filan bal hadanba nala daawo Sawiradan aan idiinka hayno

Madax kutida ayaa waxaa loo yaqaan  polar bear waxaana had iyo jeer laga helaa dhulka qaboobaha ah noocan cad ee madax kutida ah sida North pole  ka  hadase waxay ku dhasheen beer xayawaan oo la yidhaa Tierpark Hellabrunn oo ku taala magaalada Munich ee waddanka jarmalka xayawaanka Geriga ee loo yaqaan giraffe ayaa hada dhalanayd 9 cisho oo keliya inta ay leegtahayna waad aragtaa illahay (sw) awoodiisa waxay iyana ku dhalatay beer xayawaan oo la yidhaa Friedrichsfelde Zoo oo ku taala magaalada Berlin,ee isla waddanka Germany,
Nooca daayeerkan oo la yidhaahdo  langur ayaa waxaa uu yahay nooc timihiisu cadaan yihiin “Gray” waxaana uu gosha ku hayaa ilmahiisa oo aad moodobo qof bani’aadam ah sida uu gosha uGu xejinayo ugana ilaalinayo bahalaha iyo wixii kale ee uu uga baqayoba , Xayawaankan oo aan dalalka Africa laga helin ayaa waxaa laga helaa South America waxaana la yidhaahdaa lowland tapir .
xayawaankan ayaa ay isku qolo yihiin ama xigto dhow dabagaalaha waxaana la yidhaahdaa  prairie dog waxaa uu galaa goddad waqtiga jiilaalka waxuuna ka soo baxaa Gu’ga iyadoo xataa dadku ka faashadaan oo isla marka la arko xawaankan la garto in jiilaalkii faydmay ama tegay , xayawaankan kale oo ah badd ku nool lana yidhaahdo dolphin ayaa saaxiib dhow la ah Bani’aadamka waxaana lagu daawadaa beeraha xayawaanka lagu daawado iyadoo biyaha wacdaro ka dhigta waxoogaa yar oo gunno ahna afka loo geliyo markay dhamaysato ciyaarta
Labadaa dhegood ee dhaadheer isla markaad aragtaan waxaad soo xasuusan kartaan si sahlan Bakayle waa isagii oo nimco ku dhexjira qaadayana badh badhaadhnay , Xayawaanka kale waa jeer waxay cuntaa geedaha iyo khudaarta maaha xayawaan hilib cun ah iyadoo xiliga habeenkii ah ka baxda biyaha soona daaqda waana xayawaan aad u khatar badan waxay sannadkii Africa dishaa kumanaan dad ah
Waxay shinbirtaasi u soo qadhaabtaa 5 caruura iyadoo Afkeeda ku soo qaada hal kii mar wixii illahay (sw) siiyo oo aan mar keliya ka caajisin quudinta reerkeeda itaalka ay leedahayna waan aragnaa iyadoo uGu babac dhigta boqolaal dad iyo xayawaanba leh oo u cadow ah sidii reerkeedu u noolaan lahaa arrin u baahan in aynu ku cibro qaadano , waa laba madax kuti nooca loo yaqaan  brown bear oo ciyaaraya
Xayawaanka aad aragtaan waa kangaroo waxaa laga helaa waddanka Australia waxay ku qaadataa ilmaheeda kiish caloosha uGu yaala ilamahan ayaa ka soo jeeda kiishaka madax kala soo baxay . xayawaanka kale ayaa ah jirjiroole oo kolaynba intiina badani aragtay
Waxaan filayaa intiina Abadan waad garateen xayawaanka waa shuuq shuuq oo loo yaqaan  meerkat waxay ku jiraan xiligii gu’ga iyagoo dhergay meel ku nasanaya oo yara seexday qaarkood qaarna illaalin reerka ah ay ku jiraan si aan wax looga dilin Xayawaanka kale ayaa ah nooca loo yaqaan seal oo badd ku nool ah waxayna hada dhashay ilmahan hada hooyadii ursanaya si uu hadhow uga garto xayawaanka kale
Xayawaanka ayaa midba waxaa uu ku ilaashadaa caruurtiisa meeshii uu bidayo in ay uGu badbaadayaan shinbirta ayaad aragtaan dabaqa ay saartay ilamhadeeda noocan madaxkutida ee Brown Bear ayaa isna god geliya ilmahiisa si aan wax yeelo uga soo gaadhin xayawaanada kale iyo dadka intaba ilaa inta ay uga korayaan
Xayawaanka kore waxay isku bah yihiin Sakaarada balse waxaad moodaa in ay ka yara buuran tahay tani waxaana loo yaqaan Java mouse-deer Daayeerka ayaa ah hooyo aad uGu dhow dadka sida ay ilamaha uGu hayso bogeeda ama aanay u ogolayn in ilamhu ka ag fogaado oo aan cadow u dilin waana ta had iyo jeer gosha ku haysa Sakhiraada Eebbe (sw)
Badiba dhulkeena waa laga helaa xayawaanka kore waa Qarandi  armadillo waxay dhashay ilmo iyadoo ay can ku tahay hadiiba la soo weeraro in ay isduubto sida kubada dusha sarena way qalafsan tahay oo wax mici leh oo karayaa ma jiro xayawaankan kale waxay isku bah yihiin madaxkutida waxaana la yidhaahdaa Red Panda waxaana laga helaa China
Noocan daayeerka ah ayaa lagu magacaabaa  Lemur waxaana badiba laga helaa meelo badan oo dunida ah wuu istaaga dhulakan ku lugeeyaa aadna u boodo dheer yahay Geriga ayaa aad u dhal xiliga Gu’ga waxaana uu aad u ilaashanayaa ilmahiisa oo libaaxyadu ku soo weeraraaan marka uu dhalo xayawaanka oo dhami ee barwaaqda ay tahay
Xuurta ayaa iyaduna xiligan aad u dhasha oo biyo ku nool ah waana xiliga ay kaluumaysan karto ilamahana cunto ku filan badda uga heli karto waxaan ku soo gebagebayn dioonaa Odaygan daayeerka ah waa nooca loo yaqaan orangutan ayaa laga helaa qaarada Aisia waana nooc aad u maskax badan waxaan idinkaga tegayaa haka ag fogaan Oodweynenews kuwo kale ayaan soo wadnaa
ENG Abdirazak Yassin Maxamed
Atlanta GA
Oodweynenews

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker