Maxkamad Ka Laabatay Xukun Lagu Riday Shan Nin Oo Kufsi Ka Geystay Magaalada Gaalkacyo

Maxkamada Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa maanta waxay xukumo kala duwan ku riday rag lagu eedeeyey inay Gabadh ku kufsadeen Magaalada Gaalkacyo ee kuwaas oo 2-dii Bishaan xukun dil ah lagu riday.

 

Ragga Maanta la xukumay ayaa tiro ahaan waxa ay gaadhayeen ilaa 5 Nin, waxana horay Maxkamada ugu riday Xukun dil ah, hayeeshee racfaan ay ka qaateen maanta xukun lagu riday.

Cabdirisaaq Cali Cabdi, Ugaas Mirre Barre iyo Cismaan Maxamed Cabdullaahi ayaa saddaxdooda midkiiba waxaa lagu xukumay 20 Sano oo xadhiga ah 2,000 oo Dollar Ganaax ah iyo 2,000 oo Dollar oo Mehru Misilad iyo 1000 dolar oo Kabid Moradi.

Sidoo kale Eedeysanayaashaan kala ah Cadbirisaaq Axmed Cilmi iyo Yuusuf Cabdulkaahi Xirsi ayaa lagu xukumay Midkiiba 15 sano oo Xadhiga iyo 2,000 dolar oo Ganaaxa iyo 1,000 dolar oo Kabid Moradi ah.

 

Weli waxaan Maxkamad la soo taagin oo kiiskooda ay baadhitaano ku socdaan 5 Nin oo loo heysto in Bishii Febaraayo ee Sanadkaan ay Magaalada Gaalkacyo kufsi iyo dil ugu geysteen Gabadh lagu Magacaabi jiray Caasho Ilyaas Aadan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker