S/ILAND LA WADA LEYAHAY DOORASHO IYO DAGAAL MIDKE LAGU HEII KARA? FAALO TAXANE AH.

Hadeeynu dib u yara milicsano 1991ki marki ay jabhadii SNM oo ay hogaaminayen Gudomiyihi SNM Mujahid C/Raxmaan Axmed Ali “TUUR” Iyo ku xigenkisi Mujahid Xassan Cise Jaamac ka qabsaden kaligii taliyihii Maxamed siyaad bare  dhulki la odhan jirey British  S/land protectorate, Gudoomiyihi SNM Cabdiraxman-Tuur isla markiba waxa uu ka hawl galey, walaaleynta dadki la isku odhan jirey British Somaliland,si aan jabhadu ugula  kicin aargoos beelihi aan SNM ka tirsaneyn aargosiga ooi sababi laha xasuuq, “genocide” Wuu Ku guuleeystay in kasta oo ay jiren korneeylo  mucarad fog aha oo lagu magacaabi jirey calan-case oo ay hor bodi jiren Korneeyl muse bixi  iyo korneeyl Maxamed kaahin  iyago adeegsan jirey  maleshiyo beeledyo ay isku haayb yihin iyagana wuxuu ku da’daaley inu hor joogsado, Si kastaba ha ahaate isla wakhtiga,waxay calan-casti bilaaben dagaalo gudaha  belahi SNMta ahaya,marki laga hor joogsadey dagaalki beelihi darafyada.
Wuxuu hogaamiyihi SNM waraaqo iyo ergooyin u direy dhamaan beelihi Ku noola dhulkii la  odhan jirey  S/land isaga oo ugu baaqaya nabad isa saamaxad iyo walaaltinimo waxaanu u fidiyey Gogol-Nabadeed alxamdulilaah wey ka aqbaleen waney so ajiiben Hogamiyihii SNM iyo Ku xigeenkisi waxay gogoshii dhigeen gobolka togdheer, wakhtiga waxay gobolka togdheer ugu doorteen wuxu map ahan gobolkani dhaca bashtama S/land.
Shirkii walaaleynta beelaha waqooyi wuxu burco ka furmay horaanti bishi 5aad 1991ki waxaanu socdey mudo afar cisho ah, Gudoomiyihi SNM Cabdiraxaman axme Cali Tuur  oo hogaminayay gogosha nabada  wuxu gudomiyaha shirka nabad iyo walaaleynta u magacaabey gudoomiye Ku xigeenki SNM Mujaahid Xassan Ciise Jaamac. Waxaanu golihika akhriyay ajandaha shirka…………………
La soco qaybaha danbe
Qalinki: Khadar Kaariye Cune

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker