JAAMAC SHABEEL IYO CALI GURAY MA EY GURI KU XIDHAN BAA MA WADDANKAY U DOODAAN MISE MUUSAY QABIIL KU DIFAACAAN WAAYAABE

Eygu waa xayawaan la saaxiiba qofka bani’aadamka ah faa’iidooyin badana leh waxaa uu kexeeyaa dadka indhoolayaasha ah, waxaa baadhaa daroogada iyo dadka inta la dilo daluumaha lagu rido, waxaa uu la shaqeeyaa millateriga iyo booliska oo weliba derejo ku qaataa waxaa uu illaaliyaa guryaha iyo dukaamada intaba.
 
Hadaba jaamac shabeel iyo cali guray waa laba Ey oo bilaa faa’iido ah wax manaafacaada oo ay leeyihiin oon ka ahayn Ey surin ku xidhan oo markaad fasirto ka ahayn qayladiisa oo laga seexan waayo iyo surinkii dadku wada mari lahaa oo loo mari waayo waayo waxaa laga baqayaa in uu ku qaniino.
 
Waxaad moodaa in aanay qabiil u hadal iyo qabiil ku difaac mooyee talo kale garanayn wax iska cabin uun baa ku jirta balse wax ay waddanka ku soo kordhinayaan ama caqli ha noqoto ama fikrado ama dhaqaale ma jirto oon ka ahayn dhegaysta ama daawada yaa manta reerkaa ka hadlay waxsan iyo wax xunba dabeedna loo beretemo TV yada oo halkaa wixii cay ah lagaga luuqeeyo waa cali iyo shabeele.
 
Shaqo xumo raggaa lagu hubee sharaf dhacaa jooga
Shaashada raggaan kala socdeen shaahid u arkayno
Sharftii xisbiga waddani raggaa hadal ku shaasheeyey
Sheeko nacasta kuwaa wadeen hadalka shaandhaynin
Siin iyo dhareerbay shaashadaha duufka mariyane
Shabeel iyo cali waa laba dhabcaal Shayna garanayne
Shaxda garo shabeelow siyaasadina  qabiil maaha
 
Labada Oday maan jeclayn in aan ku talax tago balse waa ay galab sadeen hadii uu qofku qabiil ku miyir beelo waa loo jawaabaa hadii aan loo shegin cayduu galabsadona isagoo nin weyna caruurtiisuna akhrisan wax ma dareemayo, waxaa la yidhi doqonta usha agteeda ku dhufo haday dareemi waydona docda u geli cali iyo shabeel waa laba asaasaq waa dad waaweyn haday ka baxi waayaan qabiilnimada ay ku shaqaynayaa ee dumar iyo carurri aragatay halkaaasaa lagaga haynayaa loo jixin Jixi maayo
 
Shaxda Garo Shabeelow, beenta sacadna soo  hubiMa ogayn Shalaytee guryo noqo,  oo la shawr guray

Fartaag hoos u Wada shira,  Xaaji shabaga Soo gali

Shanqadhaha badh baa jira,  Laga qariyay Shicibkee

Shiishka Saar Wacyiga jira Garashada bal Shaandhee

Xogta Shaadhka Loo Tolay Inaad Sheegto Waa Gare

Dareenada Shakiga Dhalay Yaa Keenay Shaarica

GoorMuu Sharcigu Yidhi Danbi Sheekha kama dhaco?

Doonidii Shiraacnayd Shixnadeeda Yaa dhacay?

Goormaa Shuruud Li,i Sharka Khayrka loo Rogay?

Damiirkii Shakaalnaa Hadmuu shilinku maamulay?

Sheekada Intaad Daday Ha Sharaxo Wax garadkuye

Maalintii Shilkaha Culus Laysku Shiishay Baaruud

Ninka Dhiig u soo shubay Ee Shahiid Ku Talo Galay

Markuu Saaka Shaacee Qiiq Shareeran Daawaday

abdi cali obsiye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker