Madaxwaynaha Garabka Ahlu-suna Oo Kulan la Qaatay Odayaasha Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Ahlusunna U Dooratey Madaxweynaha  Galmudug ayaa kulan laqaatay qaar ka mid ah Odoyaasha Guriceel iyo Dhuusamareeb iyagoo iska Xog wareystay sidii loo dardar galin lahaa Hormarka Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Odoyaasha ayaa sheegay in ay Doorkooda kaga aadan hormarka Galmudug qeyb weyn ka qaadan doonan ayna garab Taagan yihiin Howlaha siyaasadeed ee Ahlusunna waljamaaca .

 

Ahlusunna ayaa kasoo Horjeesatey Doorashada madaxda Galmudug ee Dowladu Aqoonsatey taasi oo keentay in ay soo dhistaan maamul uu madaxweyne ka yahay Sh Shaakir oo horay u ahaa Madaxda Xukuumada Galmudug kana tirsan Hoggaanka Sare ee Madaxa Ahlusunna ee waqtigan .

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan labo Madaxweyne, waxaana dadka qaarkood ay walaac ka muujinayaan in iska hor imaad uu ka dhaco Magaalada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker