DAGAALKII HAAMAHA WAXAA SOO BAXDAY INUU U DAGAALAMAYEY BASHE MOHAMED FARAH SAAMIGA KHAYRE (Riisal wasaaraha Somalia-Dawladda Jaarka ah).

Shaki kuma jiro in siyaasad aad u badanĀ  ay ku kala duwan yihiin Kulmiyihii uu hogaanka u ahaa Siilaanyo iyo Kulmiyahan uu hogaanka u yahay Madaxweyne Muse Biixi. Kulmiyihii ay gadhwadeenka ka ahaayeen Siilaanyo iyo xaaskiisa Amina Weris wadankan dan kamay lahayn iyo goonni Isutaagga Somaliland laakiin waxay ku shaqayn jireen ku xidhnaanta Somalia iyo wada shaqaysi dano gaara u adeegga.

Madaxda Xukuumadda Kulmiye waxay TV ga ka Caddaysay inaanay kala garanayn cidda leh Saamiyada Haamaha Petrolka oo liiskaa uu qaatay Siilaanyo iyo Amina Weris oo aan si fudud xitaa Xukuumadda Kulmiye aanay hayn. Wadankii wuxuu ku jiraa halis haddii aan la garanayn ciidda Haamaha petrol ku shubta oo ah cid helis ku noqon karta Somaliland. Tuka Raq laba ciidan baa is hor fadhiya sidee baad isaga celin kartaa oo ula dagaalami kartaa cid Dekeddaada u talisa, oo petrolkaaga u talisa oo hawadaada u talisa oo wadankaaga hoos hoos ugu talisa shacbkana loo sheegayo inaynu ka gonay oo aynu colnay, waa arin aan qaranimo ku samaysmayn.
Imika waxaa soo ifbaxaya wixii Xukuumaddii Siilaanyo ku sammaysay wadanka oo dhan iyo siday Somalia ugu xidhnayd oo dhan. Madaxweyne Muse waxaa hor timi Muusaw Girgire dabaa laguu dhiibay ee siyaasaddii Kulmiyhii Siilaanyo ka badheedh oo ka baydh oo waddo cusub oo Somaliland u dana curi. Ragga madaxda ah ee taariikhda dunida galaa waa kuwa wax cusub, siyaasad cusub curiya.
Bashe M Faaraxii loo boobay kursiga baarlamaanka isagu waa hawl fududeeye , wuxuu u dagaalamayey saamiyada reer Somalia ku leeyihiin Haamaha , ceebise waxay ka joogtaa Xukuumaddii oo leh lama garanayo cidda Saamiyada haamaha kala leh. Waxaa madaxa dadka ku soo dhacaya in Ethiopian, Djabouti, Somalia dad ihi wax ku leeyihiin Haamaha, Taasi waxay kuu caddaynaysaa in waddanku dhacan yahay oo gaadhi doono heer uu wax kastuu lahaa cid kale gacanta ugu jiro oo danadeed aanuu isku tashan karinba.
Wax badan oo xaqiiqooyin ah baa(pipeline)ka ku soo jira wadankuna haddaan Madaxweynuhu la baxsan oo hogga ka saarin ay Mushkilad weyni ku soo fool leedahay.
MBashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker