Somaliland oo Sweden ku wargalisay sababta ay u hakisay wada hadalkii ay Soomaaliya la waday

Somaliland iyo Sweden,ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo sii xoojintiisa  ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu  xafiiskiisa ku qaabilay wefti heer safiir ah oo uu hoggaaminayay safiirka dalka Sweden u qaabilsan dalalka Somaliland  Ambassador. Andreas von Uexküll.

Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal, laysagana kaashan lahaa arrimaha la xidhiidha dimu-quraaddiyada iyo arrimaha doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanada ee horraanta sanadka 2019ka, dalka lagu wado in ay ka qabsoomaan Somaliland, sidoo kalena waxa laga wada hadlay mashaariicaha dalka Sweden ka taageero Somaliland, oo ay ballan qaadeen in ay sii wadi doonaan iyagoo marka horeba ahaa dalka saddexaad ee gacanta ka geysta arrimaha gargaarka binu-aadanimo, imikana ay halkii ka sii wadayaan iyagoo kor u qaadi doona kaalmadaasi.

Arrimaha kulankaasi lagu soo qaadayna waxa ka mid ahaa mashaariico cusub oo uu safiirku sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan oo ku saabsan sidii loo gacan qaban lahaa haweenka iyo dhallinyarada Somaliland looguna samayn lahaa maalgelin iyo dhiirigelinba, waxa iyana xusid mudan oo kulankaasi lagaga wada hadlay in ay Somaliland, joojisay sidii ay horeba u sheegtay wada hadaladii u dhexeeyey dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay sababtay fara-gelinta ay Soomaaliya ku samaysay madax-bannaanida Somaliland iyo arrimaha mashaariicda horumarineed.

Ugu danbayn kulankaasi waxa uu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad, iyadoo loo ballamay in laga midho dhaliyo arrimaha ay ballan-qaadeen labada dhinac inay ka wada shaqeeyaan sida ugu habboon, uguna dhakhsaha badan.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker