Sheeko Kale: Ma Gaadhin!

Sheekeeye ayaa goli ka tebiyay sheekadan googooska ah. Wuxu yidhi isaga oo ay u jiibinayaan dadkii dhegaysanaye:

Nin baa seexday.

Dabadeedna.

Wuu riyooday

Dabadeedna.

Wuxu riyadii ku helay kayse aad u weyn.

Dabadeena.

Wuu kacay.

Dabadeena.

Kaysihii ayuu waayay.

Dabadeedna.

Waa baadi doon tegay.

Dabadeena.

Kaysihii dalkoo dhan buu ka baadhay.

Dabadeena.

Kaysihii waa waayay.

Dabadeena.

Kaysihii in uu riyo wanaagsan ahaa ayuu ogaaday.

Dabadeena.

Beledkiisii ayuu dib ugu safray.

Dabadeena. Ma gaadhay mise ma gaadhin?

Maya ee ma gaadhin; ee waa ambaday!!!

 

 

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker