M/WEYNE MUUSE TALAABO ADAG HA KA QAADO WASIIR SACAD IYO WAKIIL BAASHE

Mudo dheer ayaa maamulkii M/weyne Siilaanyo oo ay hormood u ahaayeen Wasiirka Arimaha Dibada Sacad Cali Shire iyo Wakiilka S/Land ee Imaraatka Baashe ay  shacabka Somaliland u sheegayeen in  dowlada Somaliland heshiis la gashay shirkada DP World si ay u maamusho dekeda Berbera. Ka dib waraysigii uu bixiyay Wasiirul dowlaha Arimaha Dibada ee Imaraatka Dr Anwar Gargash, waxa cadaatay sida wax u dhaceen iyo inaan xaqiiqda laga sheegayn sida heshiishkaa lagu galay.

Si hadaba runta loo ogaado, waxaan ku talin lahaa in M/weyne Muuse Biixi,  Golaha Wakiilada iyo Guurtidu soo gole-joojiyaan Wasiir Sacad iyo Wakiilka S/land ee Imaraatka Baashe si su’aalo looga waydiiyo waxay ka ogaayeen arinta dekeda Berbera, laguna cadaadiyo inay runta taabtaan.

Sidoo kale, si aanay u lumin kalsoonidii shacabka Somaliland ku doorteen M/weyne Muuse Biixi oo mudo afar bilood xilka hayay, waxaan aaminsanahay inay la gudboon tahay in M/wuhu uu meel adag iska taago arintan xasaasiga ah, talaabo cadna  ka qaado Wasiir Sacad iyo Wakiil Baashe.

La soco; Maalmaha soo socda waxaan soo bandhigi doonaa daraasad aan ku sameeyay saamaynta taban ee masiirka shacabka iyo amaanka qaranka (National Security) Somaliland uu u yeelan doono  SALDHIGA MILITARI ee Imaaraatku ka dhisanayo Berbera iyo khataro badan oo kale oo ku xeeran.

Mohamud Sh. Cabdi Geedwareershe

Minneapolis, Minnesota. USA

geedwareershe@gmail.com

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker