Xildhibaankeenna!!

Xilku guud ahaan waa masuuliyad u baahan feker iyo tacab, waa toobiye janno iyo naar ba lagu kasbado, bulshada ayaa na ka garsoor ah tabnaan iyo tognaanba. Dunida maanta Jaamacado iyo Dugsiyo gaar ah ayaa u furan si ruuxa loo fahansiiyo MASUULIYADDA. Gu’yaal badan iyo dadaallo badan ka dib waxa halkaa ka soo baxa qof u bisil u adeegidda bulshada. Dadweynaha laftarkiisa la ma dhayalsan oo waajibaadkooda iyo xuquuqdooda waa loo sheegaa, deedna korodh iyo garaaf aan hoos u dhac lahayn ayey umaddaasi ku talaabsataa. Innaga geyigeenna taasi kama hanaqaadin, welina Eexda, Qaraabo-kiilka iyo laba canlayntu waa caadada cidda xilalka umadda haysa. Sababtaa ayey caddaaladdu jarka uuga dhacday, ruux walbana uu ayiday in xafiis uu haybsado, hadii uu waayana u xusul duubayaa. Run ahaanna cadaaladdu ma’aha ehelkaagu in uu fadhiyo xafiiska ee waa in bulshadu adeegga xafiiskaasi fulinaayo ay u simanyihiin. Taasi waa mawduuc qormo dambe iyo tiraabteed leh(cadaaladda) balse, waxa aan dhigaalkan kooban ku tibaaxayaa feker gudbintiisu haboontahay waa: Dawladaha Hoose ee soomaalilaand.

Unkanka dawladaha hoose waa maxsuulkii ka soo baxay qaybinta xukunka ee dawladda dhexe, muhiimadooduna waa laba ujeeddo:

1) Fududaynta maamulka iyo fidinta adeegyada bulshada ee kala duwan.

2) Dhiirigelinta in bulshadu ay go’aamo ku leeyihiin xal ka gaadhidda baahiyahooda aasaasiga ah( involvement of citizens).

Hargeysa iyo idil ahaanba gobolada kale ee soomaalilaan bulshooyinkoodu adeegyada aasaasiga ah ma helaan? Haday helaan se, waa sidee?. Jawaabtaa meel fog ba yeynaan ka doonin ee mashruucii Xumboweyne iyo foolxumada magaalooyinkeenna aan eegno!.

Xilkasnimo-darrada dawladaha hoose dad badani waxa ay ku doodaan in sababtu tahay dhaqaalaha dalka oo kooban guud ahaan iyo miisaaniyadaha dawladaha hoose oo aan ladnayn, taasi se u ma noqonayso sabab iyada oo aan maamulka guduhu gudanin masuuliyadiisii, tusaale xooggan waxa ah waraysigii Xoghayahii dawladda hoose ee Hargeysa ee la badalay(markii uu mikirifoonka musuqa kala duwan ka sheegay) ee yidhi: ‘’ Dawladda hoose iska daa dhaqaale ku filan e, waxa ay caawin kartaa dawaladda dhexe”

Hadaba is diidsiinta xaqiiqooyinku innooma noqonayaan xal e, aynu dhibta dayno deedna dhayno. Waxa is weydiin mudan caynku halkuu ka qalloocaa? Maxaa dawladaha hoose xilkasnimadii ka qaaday iyo Maxaa xal u noqon kara dhibaatooyinkooda?

Guud ahaan laba qodob oo ay habboontahay in lagu dhiirrado xal u heliddooda ayaa sal u ah maamul-xumada nidaamka dawladaheenna hoose waa: Xeerarka Xidhibaannimo iyo Aragtida Bulsho ee doorashooyinka.

Nidaamka xeerarka dalka ee xildhibaannada Deegaanka iyo Wakiilladu ma’aha mid hufin kara dadka is cumaamada, taasi waxa ay keentay in cid kasta isa soo sharraxdo, halaqna soo baxo. Haa!, waxa suurogal ah in aad is weydiinayso dalka oo burbursan ayaa shuruucda la sameeyey heerka aqooneed ee lagu qaydi karayeyna wakhtigaa waa uu yaraa, laakiin maxaa wax ka bedel loogu samaynwaayey mudada tobonka sanno?!. Run ahaan jawaabta su’aashaa ayaa ay Masuuliyad-darrada iyo xil-kasnimo-xumida Dawladdeenu ka muuqataa. Bal suuree maanta hadii shardi la ga dhigi lahaa xildhibaan haysta shahaado jaamacadeed, miyaan da’yar iyo dad aqoonleh isa soo sharraxeen, miyaan laga raysteen Xil-ma-dhibaha xarriifka ku ah sida wax loo boobo. Taasu waa MASUULIYAD sugaysa dawaladda iyo laamaheeda kala duwan ee ay shuruucda.

Qodobka kale(wacyiga bulsho ee doorashooyinka) waa uu ka ballaadhanyahay kan hore, waa MASUULIYAD wadareed cid walba saaran, xukuumaduna ay qorshe siyaasadeed ku hagto. Sannadka Laba kun tobon iyo sagaal ayaa mar saddexaad aynu doorandoonnaa Golaheenna Deegaanka, maalmahan oo kale su’aal caan ah ayuun baa la is weydiiyaa marka  istiikar iyo boodh musharrax la arko oo ah: Haybtiisu wa’ayo?!. Tacabkaaga iyo garaadkaaga ayaad isugu geysaa si aad xildhibaan u soo saarto, is ma weydiisid xilbaankanu xilka dawladeed ma garanaayaa? akhlaaq, aqoon iyo aragti bulsho lagu horumariyo ma leeyahay? xataa hoos u ma eegno lafihiisa ma u shaqaysan jiray?. Intaaba innaga oo baalmarsan miyirkeennuna uu hayb aan Hargeysa doojineyn ku callaqan ayeynu u dhididnaa una tafo-xaydannaa, deedna kolka aynu miyirsanno isna xilka fuulo ayuun baynu dhabanno-hays iyo afkalaqaad innagu noqotaa ficilladiisa, laba-canalayntiisa iyo tudhaale-darrida dadkiisa iyo dalkiisaba. Hadaba, si taa looga badbaado waxa lamahuraan ah in adigu aad naftaada la shaawirto oo garaadkaaga miciinsato ruux GOB ah na aad doorato.

 

 

 

Xildhibaanka maantu waa biyo soosaaraha Berri!!!.

     W/Q: Sidiiq Deyr Aadan (Ukuli)

sidiqdeyr999@gmail.com

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker