WASIIRKA QORSHAYNTA OO QABYAALADDII QURBAHA LA SOO DHEX GALAY WASAARADDII QORSHAYNTA

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac oo ah nin dhalinyaro ah oo laga filayay in uu la yimaado qorshe uu ku hogaamiyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo ah hormoodka Horumarka Qaranka, ayaa ku  haftay hab maamulkii shaqadda lana yimi kuna mashquulay in uu Wasaaraddii lasoo galo qabyaalad iyo kala qaybin baahsan oo uu u horseeday Shaqaalihii Wasaaradda.

Wasiirka Qorshaynta ayaa markii loosoo magacaabay Wasaaradda ahaa Wasiir aan xog badan laga hayn, tixraaciisa shaqo iyo aqoontiisaba. Waxaana laga dhur sugayay Habka uu u hogaamin doono Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, oo ah Wasaarad ay soo mareen dadkii ugu adkaa iyo Wasiiraddii ugu aqoonta badnaa Siyaasiyiintii soo maray Somaliland abid.

Wasiirka ayaa maalintii shalayto ahayd wuxuu soo saaray isku shaandhayn dhinac ka raran taas oo uu ugu hiiliyay Agaasime Waaxeedyaddii shaqadda Wasaaradda Qorshaynta ragaadiyay, oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Waaxda Maamulka oo 20kii Sanadood ee ugu danbeeyay ahaa Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta, iyaddoo aynu ka wada dharagsanahay in Agaasimayaasha maamulku ay yihiin hoyga musuqa ee ladagay  habusocodka maamulka hufan ee Wasaaraddaha dawladda, inkastoo talaabo ay ka qaadeen qaar kamid ahaa Wasiiraddii cusbaa ee madaxweyne Muuse magacaabay oo isku shaandhayn sameeyay. Mar haddii Wasiirku isku shaandhayn samaynayo waxa loo dhegtaagayay in uu nasiyo Agaasimaha Maamulka. Balse, taas badalkiisa waxa uu sameeyay Iskubedel uu kaliya ugu hiiliyay Agaasimayaashii ay isku reerka ahaayeen, sidoo kalana uu ku abaaray laba Agaasime oo kasoo jeeda hal beel. Wuxuu u magacaabay in uu Waaxda Istaatistikada Agaasime ka noqdo, Agaasime ku haftay Shaqadii uu ka hayay Waaxda iskuduwida (Coordination) kadib markii cabasho farabadan ay hay’adihii kasoo gudbiyeen. Sidoo kale muu taaban Agaasimihii Maamulka ee la filaayay in uu badalo.

Waxa intaas u dheer in Wasiir Cawaale lagu eedeeyay maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan, is dhexyaac iyo eex uu la soo galay goobtii shaqada, taas oo dhulka dhigtay habsami usocodkii shaqadda iyo dardartii Wasaaradda Qorshaynta. Waxa intaasba ka daran in Wasiirku Sharcigii NGO-yada Jabiyay oo uu garab maray (Xeer No 43/2010), isla markaana dadkii sharciyaqaanka ahaa ay aad ugu qosleen, sidoo kalena, ururradii arimaha bulshadu ay aad ula tacajabeen kadib markii ay ka dhex arkeen Isku bedelkii qabyaaladaysnaa ee Wasiirka inuu sharciga baal marsan yahay, kaas oo ah in uu Agaasimaha Cusub ee Iskuduwida uu u magacaabay Waax uu sii kala dhantaalay shaqadeedii, isagoo qaybtii diiwaangelinta oo ahayd masuuliyad uu sharcigu siiyay agaasimaha waaxda uu u magacaabay mid kamida shaqaalaha, taas oo baalmarsan sharciga.

Wasaaraddii Qorshaynta ayaa imika ku jirta xaaladii abid ugu xumayd, waxaana laga soo sheegayaa in hormoodkii wasaaradda iyo dhalinyartii aqoonta u ahayd wasaaraddu ay ka niyad jabeen, iyadoo qaarkoodna ay iskagaba tageen, kuwa kalana laga cabsi qabo in ay ka dareeraan.

 

Dhamaad.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker