Shirkadda Genel Energy oo Muddaysay Xiliga ay Bilaabayso Qodista Shidaalka Somaliland

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shirkadda caalamiga ah ee shidaal soo saariista ee Ganel Energy, ayaa wada jir ugu dhawaaqay in sanadka soo socda gudihiisa laga bilaabayo Somaliland qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal laga soo saaro dalka Somaliland, isla markaana ay riigga qodaya ku bilaabi doonto shirkadda Ganel Energy oo ah hooyada shirkadaha shidaal baadhista Somaliland.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo ay wada jir u qabteen Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Shirkadda Ganel Energy oo ay qalab isboortis ku guddoonsiinayeen Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, waxaana goob joog ka madaxa sahaminta iyo ganacsiga shirkadda Ganel Energy Mike Adams, wasiiradda wasaaradaha Macdanta iyo Tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal, Dhallinyarada ciyaarada iyo dalxiiska Boos Mire Maxamed, Maareeyaha shirkadda Ganel Energy ee Somaliland Eng. Ibraahin Maxamuud Xasan, madaxa qaybta Oodweyne baloog ee Genel Energy Jamaal Aadan Diiriye, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, agaasimaha waaxda shidaal baadhista ee wasaaradda Axmed Iidaan iyo marti sharaf kale, halkaasi oo lagaga dhawaaqay in dabayaaqada sanadka dambe ceelkii ugu horreeyay ee shidaal laga soo saaro qodistiisa laga bilaabayo Somaliland.

Maareeyaha shirkadda Ganel Energy u qaabilsan gobolada bariga Somaliland Eng. Ibraahin Maxamuud Xasan oo kulankaa ka dib u warramay wargeyska Dawan, ayaa sheegay in hawl badan oo ay wadeen ay guulo ka gaadheen, isla markaana imika loo gudbay wakhtigii la bilaabi lahaa qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal ee Somaliland laga qodo wakhti xaadirkan la sugayo qalabkii oo dhawaan dalka soo gaadhi doona, kadib na shirkadda Ganel Energy oo ah hooyada shidaal baadhista Somaliland ay bilaabi doonto qodista ceelkii koobaad ee Somaliland laga bilaabo kaas oo uu tilmaamay Eng. Ibraahin in uu meesha ka saari doono in aan Somaliland shidaal laga soo saari karin ama aan la ha hirgelin karin soo saarista shidaalka iyo khayraadka ku dihin dalka.

Waxaa kale oo uu ka hadlay kulan madaxda Ganel Energy iyo Madaxweynaha Somaliland ay wada yeesheen oo lagaga wada hadlay dar dar gelinta hawlaha shidaal soo saarista Somaliland.

Eng. Ibraahin oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “waxa Somaliland jooga oo dalka yimi madaxa ugu sarreeya Ganel Energay Mike Adams, markii weftigaa madixii shirkadda ugu sarreeyay uu yimi ee kulamadii wasaaradu noo qabsoomeen waxaanu la kulanay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynuhuna si wayn ayuu noo soo dhaweeyay waxaanan uga warannay halka ay wax noo marayaan iyo guulaha wax ku oolka ah ee shirkaddu ka gaadhay hawlihii sahaminta shidaalka iyo halka ay hadda wax marayaan, madaxweynuhuna wuxuuu noo xaqiijiyay sida niyad samida ah ee ay Xukuumaddiisu noogala shaqaynayso in dalka shidaalkiisa si deg deg ah guul looga gaadho”

Eng Ibraahin oo la waydiiyay xilliga u qorshaysan in ay dalka ka bilaabaan qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal, ayaa ku jawaabay “Dhakhso ayaan u bilaabaynaa imika waxa soo socda oo dhawaan dalka soo gaadhaya qalabkii ceelkii koobaad ee shidaal lagaga qodi lahaa Somaliland oo uu ku jiro riiggii shidaalka lagu qodayay, markay qalabku dalka soo wada gaadhaan waxa noo qorshaysan in sanadka soo socda dabayaaqadiisa in aanu riigga ku taagno oo aanu qodno ceelkii ugu horreeyay ee shidaal laga soo saarayo.”

Dhinaca kale Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo ka hadlay munaasibadda ay wada jirka Ganel Energy iyo wasaaraddiisu qalabka ciyaaraha ee ay ugu deeqeen wasaaradda dhallinyarada hadal kooban ka jeediyay ayaa si wayn u soo dhaweeyay hawlaha shidaal baadhista iyo qodista ah ee ay Ganel Energay ka waddo Somaliland waxaanu sheegay Ganel Energy in ay tahay hooyada shidaal baadhista iyo qodista Somaliland, waxaanu yidhi “shirkadda Ganel Energay aad iyo aad ayaan uga mahad naqaynaa hawlaha wax ku oolka ah ee ay Somaliland ka waddo iyo shidaal baadhista iyo qodista ay ku hawlan tahay, waxaanay Somailand u soo hoysay guul kol haddii la soo saarayo shidaalkii dalka oo la filayo in ay ceelkii ugu horreeyay ee shidaal ay dhakhso dalka uga bilawdo qodistiisa waxaanay noqonaysaa markaa Ganel Energay hooyada shidaal baadhista iyo qodista Somaliland, waxaanay taasi meesha ka saaraysaa shaqo la’aanta dalka ka jirta iyo is dul fadhiga dhallinyaraada iyo tahriibta waxaana dhici doonta in si deg deg ah Somaliland loogu soo tahriibo.”

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker