Hadimadii axmed gaadhay,hawlgalkii tartanka iyo Higsigii fashilmay.
Kadib Markii Murashaxa Rasmiga Ah Ee Xisbiga Kulmiye Loo Aqoonsaday Kornayl Muuse Biixi,Waxa Si Hiil Iyo Hooba Leh Oo Aan Loo Kala Hadhin Isu Garab Taagay Dhamaan Rag Iyo Haween Masuuliyiintii Ka Tirsanaa Xukuumaddii Uu Hoggaaminayay Mudane Axmed M Siilaanyo,Iyadoo Ujeedadu Ahayd Maadaama Xisbigii Xukuumadda Ee Ay Ka Tirsanaayeen, cidda u sharaxan madaxweynuhu Uu Noqday Muuse Biixi, In Tacab Iyo Dedaal Wixii La Hayo La Isla Garab Taago, Sidii Loo Soo Saari Lahaa Talada Dalkana Uu U Hantiyi Lahaa Murashaxa Xisbiga Ee U Taagan Jagada Madaxweynaha.
Masuul Kasta Oo Ka Tirsan Xukuumada Siilaanyo Ilaa Heer Wasiir Waxa Iyaga Oo Ka Shidaal Qaadanaya Aragtida Hoggaamiyihii Qaranka Mudane Axmed Siilaanyo,Kuna Qanacsan In Haddii Murashaxa Xisbigu ku Soo Baxo Talada Dalka ,Kaalinta Ay Kaga jireen Wakhtigaasi Iyo Mansabyo ka weynย ย iyo kasiiย ย Badanba ka Heli Doonaan,dawladda cusub,Waxay Isku Qanciyeen In Wakhtigooda Iyo Wixii Ay Hanti Karaanba Isugu Geeyaan Bulshadana Ku Qanciyaan,Inay Codkooda Siiyaan murashaxa xisbiga kulmiye.
Masuul Kasta Oo Ka Tirsan Xukuumadaasi Waxa Uu Weysadiisa U biyeystay Deegaanadii Uu Dhalasho Ahaan Kasoo Jeeday,Si Uu Xisbiga Cod Ugu Raadiyo.
Abaabulkaasi Loogu Raadinayo Taageerada Xisbiga Waxa Intii Ay Ku Guda Jireen U Garab Socday Ballan Qaadyo Ay U Samaynayeen Xubnahaasi Xukuumaddu, Dadka ku dhaqan Deegaanada Ay Ololaha Ka Dhex Wadeen,
Dadkaasi waxay U Sheegayeen wasiiradu In Haddii Uu Soo Baxo Murashaxa Kulmiye Codkoodana Ay Siiyaan,Ay Taasi Bedelkeeda Heli Doonaan Adeegyada Lagama Maarmaanka U Ah Deegaanka Ay Ku Nool Yihiin Isaguna Waa Masuullkaasi Ololaha Wada’e, Uu Meel Marinta Waxyaabaha Ay Tebayaan Ee Uu Ka Ballan Qaaday,ku metelayo ku metelayo murashaxa madaxweynaha afkiisiina ku hadlayo.
ย Hadda Garo Oo Inta ay Masuuliyiintaasi Ka Tirsanaa Xukuumaddii Axmed Siilaanyoย ย Ku Fooggan Yihiin Hawlgaladaasi Ee Wakhtigooga Iyo Maalkoogaba Ku Bixinayaan,Muuse Biixi Waxa Uu Ka Daawanayaa Sheedda kore,tu ka duwan tooda ayaa u qarsoon, Isagoo U Arka Waa Sida Aqoontiisa Gaabani isu Tustay’e, Inay Ciidama- Malaaigeed oo loo soo diray Yihiin,
Qorshaa jiray Isaga(muuse) Meel U Yiil, Iyaguna Ay Daacad Ka Yihiin,Waxay U Arkaan Masuul Haybaddii Hoggaamineed Huwan Oo Dareemaya lana Socda Doorkooga Halggan Iyo Hawsha Ay Wadaan ee ololaha taageero raadiska ah, Hadhowna Taas Ugu Sed Qaybinaya nin iyo tamartii iyo tolkii wuxuu codad kasoo helay…calooshana kollay waxay ka leeyihiin dee kolay odaygii axmed waa kii khaliifaye wixii uu idinka iyo dadkaba u sheegay kama maqnaโฆMacal Asaf….
Halkanba May Soo Dhiganย ย Inaanu Garashadaa Lahayn, Inta Ay Halkaa Wax Ka Eegayeena, Isna Uu god kale Degayay,…Arami Aanay Ogayniย ย Huruddo Laabtiisa, Waxa Maskaxdiisa Aan Marnaba Ka Bixin Oo Gocashadeedu Sida Dacarta Ama Qaraska Ugu Soo Mir Kacaysaa, Is Qardoofkii Wakhti Wakhtiyada Ka Mid Ah Kulmiye Gudihiisa Soo Kala Gaadhay.
Waxa Uu Israaโiili U Arkayay Kuwii Maxamed Biixi Yoonis,Cabdi Casiis Samaale,Xirsi Gaab Iyo Rakaabkoogii Ka Raacay.
Xaglo Toosiye Iyo Kuwii Taageerada Siiyay Ee Xisbiga Dhexdiisa Ka Tartamay Sababtana U Noqday ee Suurta Geliyay Inuu Xisbigu Xasilo Oo Gudihiisa In Dimoqraadiyadi Ka jirto Loo Arko,Ayaan Hadana Wax Caynkaasi ah Uga kuwaas horeย ย uga Sokayn Kuwii Ay sida Tooska ah Isu Hayeenโฆyaab! Oo sow kuwii raggaasi hadhka cad is casilay, caddaystay ee ka dareeray xukuumadda,โฆAllow Nin Aan Waxba Ogeen Ha Cadaabin, sidaasi way ahaydโe, lkn kuwan qaar badan oo ka mid ah tuhun baa ku jirayโฆ
Xubno ka tirsanaa ,Xukuumada Axmed Siilaanyo Oo mansabyo kala duwan hayay ayaa si hoose muuse biixi iyo ina kaahin waagaasi ula shaqaynayay,kuwaasi oo xukuumaddu dhaqdhaqaaqooga si fiican ula socotay hase yeeshee aan wax tallaabo ah laga qaadin maadaama madaxwaynuhu hoggaanka kulmiye laftiisa waxba la diidanayn,balse ujeedadiisu ahayd kooxda ay muuse biixi isku hayeen awoodaha xisbiga, ee xukuumaddiisana ka tirsanaa labada dhinacna uu dhammaantood wiilashiisa u arko,inay lagama maarmaan ahayd inuu ka shaqeeyo qorshe ay isugu tanaasulaan..inkasta oo ay kaba degdegeen doorteenna isku day ay ku duminayaan dawladiissii. Allahย ย ayaanโse suura gelinin,sidii ay doonayeen.
In kasta oo Waddani geesi ah oo geed adayg ah uu Axmed m siilaanyo u dhashay,hadana dakharadii gaaray waagaas waxay noqdeen kuwo aanu kasoo kaban.
Dhinac waxaa dab kaga shiday kuwii dawladiisa ku jiray ee garabka u noqon lahaa,oo hoggaanka kulmiye dagaal kula jira,qorshihii uu waday ee dalka wax ugu qabo lahaana kolba kala quba.
Dhinac waxa dab kaga shiday kuwii uu xisbigii uu aasaasay mulkisiiyay ee hoggaanka uga dhigay iyo taageerayaal debed iyo gudo hollac kasooย ย afuufaya.
Dhinac waxa dab kaga shiday mucaarad ka faaiidaysanaya fursadaha jira.
Dhinac dadwaynihii talada u dhiibtay ayaa daryeel ka sugaya.
Intaasi waxaa dheeraa dabka aan bakhtiyin guโiyo dayr ee nacabka Somaliland jiritaankeega diidani kolba dhinac kasoo shido abidkii, hadba xukuumadda jirtaana difaaca ka tahay.
xubno hayay mansabyo sare oo ilaa heer wasiir ah ayaa jiray oo uu wakhtigaasi uu dhabarka soo taabtay hase ahaatee taatikada la soo siiyay uu ka maqnaa tudhaaluhu,nasiib darro hoggaanka kulmiye dhuxul u soo dhiib wuu gartayโe,wuxuu ka ilaaway shakhsiyaadkaasi, software-kii waxna dilayay waxna daryeelayay, waxay ahayd inuu faro in bar tilmaameedkooguย ย ku koobnaado oo keliya xubnaha ay muuse is hayaan, balse may ahayn inay xukuumadda oo idil argagaxiso ku sheegaan.
waxa kale oo jiray kuwo aan xilalba haynin,oo si ciddiyo ku dagaalan ah u taageersanaa ragga koobka difaacanayay ee muuse biixi & kaahinย ย kuwa kale oo qabyaalad ama si kale haka noqotee, qaarkoodna qayb ka ahaayeen mulkiilayaasha warbaahinta dalka. kuwaasi ooย ย xukuumadii axmed siilaanyo si adag dagaal culus ula galay si guud.
Isku soo wada duuboo dagaal oogayaashaasi Waxay muuse&kaahin uga Dhignaayeen Nasteexooga Keliya Iyo Mujaahidiinta Dhabta Ah Ee Naftooda U soo Huray, difaaca dalka, murashax-nimadiisa xisbiga iyo diintaba. Taasina waa tan sababtay inuu si hagar laโaan ahย ย Xilalka Qaranka Ugu Taxo mujaahidiintii xilligaas ..Ciddii Ogayd ayuun baaย ย Og,Kollayna Aniga Iyo Intii Xogogaalka U Ahayd,Way Ka War Hayaan Manaasiibta Ugu Mudan Qaranka Ee Ay Abaal Gud Ahaan U Haystaan wakhtigan.(balseย ย muuse muu garan axmedย ย waxay u geysteen isna inay ku falayaan).
Weriyaasha Warbaahinta Dawladdu Iyagoo Aan Burkaba Bahal Ka Filan Isla markaana Dabbakhaya Siyaasadda Xukuumadda talada haysay,Waxay Dhan uga Soo Jeesteen Sidii Loo Karbaashi Lahaa,Hoggaanka Xisbigaย ย Cuquuqal Waalideynka Ku Noqday Xukuumaddii Uu kulmiye Dhalay,Miyayse Mahadiyeen,Faktii Horeba Miyaan Fayga Lagu Kicinin masuuliyiin xilal ka hayay wasaarada iyo 24 Weriye Oo Magacyadooda Beri Hore Lagu Xardhay, Bogga 2aad Ee Buugga Xusuus Qorka dhacdooyinkaย ย ee Xoghayntii Muuse,Miyaanay Ilaa Haatan Dibad Wareeg Ahayn,Mushahar Laโaana Loogu Sii Kaabin erigoogii,waxase odayga hoos martay halgankii iyo hiilkii ay kula wadaageen tartankii uu u galay qabashada talada dalka.
Maxaa ku dhacay wasiiradii taageerada muuse u gucleeyay gadiid iyo habeen?.
Nasiib Darro Masuulkii Isku Waday Inuu Ka Mid Noqon Doono Haddii Muuse Soo Baxo Dhismaha Xukuumaddiisa Cusubโฆ.Jir-Jirkuu U Dhacay, ,Dad Waalan Oo Loo Diray Ayay Ula Muuqdeen, Raganimadiisa Inay Ku Caashaqeen Ayuu Is Dhacsiiyay, Halgankoodii Iyo Hantidii Ay Ku Bixiyeen Buu Halkaa La Maray,….In Loo Nasakhay Isna Uu Ka Fiicnaa Ayuu Naftiisa Kula Faqay… mucaaradkiina qosol bay gawsaha muujeenโฆ been buu seโ isu sheegay oo ragga lama yaraystoโe ….Maxaa Xigi……………….La Soco Qaybta 2aad