Dilal Ku Soo Badanaya Magaalada Hargeysa “Haweenay Baas La Mariyay Iyo Nin Masaajid Lagu Dhex Dilay”.

Alle ha naxariistee hooyo kolay jaad ku haysatay jidka u dhexeeya Isgoyska Xero Awr iyo Idaacadda Hargeysa ayaa iyadoo meheradeeda ku sugan uu baas mariyay nin hubaysnaa. Wararka aanu ka helayo ayaa sheegaya in ninka toogtay ay walaalo yihiin, iyadoo warar is khilaafsani kasoo baxayaan. Alle ha unaxariistee Meydka Marxuumaddan ayaa yaala Qolka Meyka Cisbitaalka Hargeysa waxaanna gacanta ku haya oo baadhaya sababta dilkeeda Hay’addaha Amniga Somaliland.

 

Dhinaca kale,  Dilalka shaqsiga ah ee ay isku gaysanayaan dadka shacabka ahi ayaa ku soo badanaya Magaalada Hargeysa waxaana   habeen hore ka kala dhacay laba arimood oo aad u naxdin badan.

 

Alle ha unaxariistee Nin magaciisa lagu sheegay Sheekh Xasan Jasiira ayaa meydkiisa laga dhex qaaday habeen hore masaajid kuyaala Dhakhtarka weyn ee Hargeysa dabadiisa oo layidhaa “Shamsudiin” kaasi oo loo xidh xidhay dadkii masaajidkaasi ku sugnaa, waxaanu meydka Ninkaasi illaa Shalay yaalay Qolka Meydka Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa.

 

Alle ha unaxariistee sheekhan ayaa   waxa uu hore imaam uga ahaan jiray Masaajidkaasi, waxaanay dad aqoon ulahaa noo sheegeen in xannuun loo malanayo dhinaca maskaxdu uu ku dhacay, kaasi oo uu muddo uga maqnaa Masaajidka.

 

Dadka masaajidka masuuliyeedada hadda hayay oo la sheegay inay ehel ahaayeen Marxuumkan dhintay ayaa sida warkani hadda nagu soo gaadhay waxa doraad u yimid ninkan oo aad u kacsan, waxaana isku dayeen inay dejiyaan xaaladiisa. Waxay ku xidh xidheen xadhko la sheegay in loo malaynayo inay sababeen geeridiisa. Waxa baadhis ku haya meydka Marxuumkan Hay’addaha Amniga Somaliland, waxaana xabsiga lagu wada guray dadkii habeen hore masaajidka ku sugnaa oo ay kujiraan imaamkii iyo mu’adinkii Masaajidkaasi.

 

Waxaa wakhtiyadan magaalada Hargeysa joogto noqday dhibaatooyinka lagu hayo shacabka taas oo dhalinyaro abaabulan islamarkaasna hubaysan ay magaalada hadhka cad dadka kaga qaadaan   alaabada kale ay sitaan oo u badan telefoono, lcag ama booorsooyinka dumarka ay sidaanba, waxaana ay xukuumadda Somaliland ka gaabisay inay wax ka qabtaan dhaca iyo boobka magaalada Hargeysa kusoo badanaya.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker