Wariye Cabdisalaan Hareeri oo Garoowe kusoo bandhigay Buugga la magac baxay FEEDH QALLOOCAN

Garowe (OWN)- Cabdisalaan hareeri oo kamid ah suxufiyiinta waweyn ee ka howlgala warbaahinta Afka soomaaliga wax ku tabisa ayaa Magaalada Garoowe kusoo bandhigay Buugga FEEDH QALLOOCAN oo uu qoray Nuradiin Faarax,Cabdisalaana uu turjumay uuna u badelay afka hooyo.

Munasabad ay kasoo qaybgaleen Siyaasiyiin ,Madaxda Jamacadda,Arday ,Ganacsato ,Qurbe –joog & marti sharaf kale oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Jamacadda PSU Garoowe ayaa lagu soo bandhigay buugga ,waxaana sharaxaad iyo faahfaahin ka bixiyey buugga Cabdisalaan Hareeri oo isagu lahaa turjumidiisa madaama uu markii hore qoraagu ku diyaarshay Luuqadda Ingiriiska.

Siciid Jaamac Maxamuud (Seyte) ka mid ah sarakiisha shirkadda isgaarsiinta Golis ka hadlay doorka ay ka gaystaan dhiirigelinta aqoonta ,iyadoo shirkadu gacan buuxda ka gaysata dadaalada sare loogu qaadayo aqoonta iyo qorista buugta faaiidada u leh bulshada gaar ahaan jiilasha soo koraya .

Siciid Seyte waxaa sheegay in ay ahmiyadda siiyaan talaabo kasta oo lagu harumarinayo cilmiga,waxaana shirkadu goobta ku iibsatay 10kii buug ee ugu horreeyey,taasi oo keentay in ka qaybgalayaashu ku dhiiradaan qaadashada buugga.

Gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda PSU Axmed Shire Axmed ayaa uga mahadceliyey Cabdisalaan Hareeri dadaalka iyo waqtiga uu ku bixiyey turjumaadda buugga,waxaana uu bulshada guud ahaan ku booriyey in laga qaybqaado soo noolaynta afka hooyo oo gaaray marxalad ku dhow inuu tirtirmo.

Wasiirkii hore ee Maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gashaan oo ka qaybgalay bandhigga Buuggga waxaa uu ardayda ka codsaday in ay waqti galiyaan horumarinta afka hooyo,iyadoo xil iska saaraya in ay soo saran buugaag ku qoran luuqadda Soomaaliga,madaama afkeenu yahay mid facweyn balse jooga maqaam hooseeya oo aanu kula jaanqaadi Karin afafka dadyowga kale.

Bandhiga buugga Feedh Qalloocan oo ay si balaran usoo dhaweyeen Ardayda Jamacadda PSU iyo kaqaybgalayaasha kale ee isugu jira qaybaha bulshdda ,waxaa hadana jirtay su,aalo iyo talooyin loosoo jeediyey turjumaha buuga Cabdisalaan Hareeri oo si waafi ah uga jawaabay wixii su,aalo ahaa ee la weydiiyey.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker