Wada-hadallo U Bilaabmay Soomaaliya Iyo Imaaraadka Oo Saldhig Ciidan Ka Samaysanaya Somaliland

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wada hadalo toos ah ay u bilaawdeen Soomaaliya iyo Imaaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya oo lala yeeshay Waraysi ku saabsan xidhiidhka xumaaday ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in xilligan ay Wada-hadallo toos ah u bilaabmeen labada Dawladood, kuwaasi oo la doonayo in lagu hagaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya.

Wasiirku wuxuu sheegay in aanay jirin Cid dhexdhexaadin ka dhex wadda Imaaraadka iyo Soomaaliya, balse ay socdaan Wada-hadallo u dhexeeya Madaxda sare ee labada Dawladood “’Xiligan wax dhaxdhaxaadin ah oo socotaa ma jirto, laakiin waxaa socda wadahadalo toos ah oo u bilaawday labada dowladood oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo Imaaaraadka’’ ayuu yidhi Wasiir Cawad.

Xidhiidhka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya ayaa xumaaday markii Baarlamaanka Soomaaliya sheegay inuu Dalka ka mabnuucay Shirkadda DP World oo Maalgelinaysa Dekedda Berbera ee Somaliland isla-markaana Xukuumadda Soomaaliya ka soo horjeedsatay Saldhig Milletari oo Imaaraadku ka samaysanayo Somaliland.

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker