Nin Somaali ah oo la Xidhay kadib Markii uu ku hanjabay inuu qarax ka geysanayo Maraykanka

Saraakiisha Hay’adda Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI-da ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen Cabdalla Axmed Cige oo deggan Gobalka Minnesota, kadib, markii uu Bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu ku sheegay inuu qarxin doono Dhismaha Hoolka ee magaalladda Saint Cloud ee Gobalka Minnesotta.

Eedeysanaha oo 25-jir ah ayaa sheegay inuu  Qoraalkaasi ugu dan lahaa inuu ku soo jeediyo Dareenka Hay’adda FBI-da, wuxuuna ku dooday in isaga Xag-jir laga dhigay.

 

Saraakiisha FBI-da  waxay Shandada Eedeysanaha ka heleen meel ku dhow Hoolka uu sheegay inuu qarxin doono, balse lagama helin wax  Qaraxyo ama waxyaabaha Kontorobaanka ah.

Wargeyska The Saint Cloud Times ayaa qoray inuu Eedeysanaha muteysan doono  8 sanno oo Xabsi ah ama ganaax lacageed oo dhan 13,000 oo Dollar.

Cabdalla Axmed Cige

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker