MAXAA U QABSOOMAY XUKUUMADA MUUSE BIIXI 120 MAALMOOD EE DHANKA AMNIGA? Qoralkii: Cabdiraxman Yacqub Xasan

Hordhac

Qormadan waxaan diirada ku saari doonaan waxqabadkii 120 maalmood ee xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay mudane Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha jamuuriyada somaliland ee dhanka amniga. Waxaan diirada saari doonaa hay,addaha amniga ee kala ah

  1. Booliska
  2. Militariga
  3. Ciidanka ilaalada madaxtooyada I.M
  4. Waaxda dembi baadhista C.I.D
  5. Hay,adda Sirdoonka Qaranka
  6. Dagaal beeleedka gobolka sanaag

 

WAXQABADKII 120MAALMOOD EE CIIDANKA BOOLISKA

Ciidanka boolisku waa ciidanka u xilsaaran ilaalinta nafta iyo maalka muwaadiniinta reer Somaliland ee ku sugan gudaha dalka waana xooga iyo awooda fulisa amarada , dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala waxayna door weyn ku leeyihiin amniga qaranka .

Muddadii ay jirtay xukuumada Mudane Muuse Biixi Cabdi ma samayn waxqabad muuqda oo dhanka ciidanka booliska iyada oo ay jiraan daldaloolo ka jira dhanka ciidanka boolisk. Daldalooladaas oo ka mid tahay jirid la,aanta  barnaamijka Committee Policing iyo barnaamijyada kor loogu qaadayo aqoonta iyo heer xirfadeedka wada shaqayneed ee ciidanka dhexdooda , bulshada iyo ciidanka , iyo booliska iyo hay,addaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn .

WAXQABADKII 120MAALMOOD EE CIIDANKA MILITARIGA

Xooga qaranka jamuuriyada Somaliland ama ciidanka qalabka side waa ciidanka militariga waa lagu gam ayaasha aan gamin waa madaalashaaya uu qaranku ku nastay waa kuwo suga , ilaaliyo , ka warhaya , dufaaca  xuduudaha qaranka jamuuriyada Somaliland .

Sidoo kale Muddadii ay jirtay xukuumada Mudane Muuse Biixi Cabdi ma samayn waxqabad muuqda oo dhanka ciidanka militariga inagoo ka warhayna kaalinta iyo doorka ay ciidankani kaga jiraan jiritaanka qaranka laakiin ma helaan fursado aqoon kororsi iyo mid saanadba . Iyada oo ay jiraan caqabado dibadeed oo ka madax banaan madaxda qaranka laakiin waa waajib saaran u hawlgalka ciidankan  .

 

 

 

 

 

WAXQABADKII 120 MAALMOOD EE CIIDANKA ILAALADA MADAXTOOYADA C.I.M

Ilaalinta nafta iyo nolosha madaxda qaranka ugu sareeya ee kala ah madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeenka qaranka waa waajib qaran .                                                                                                                                                                                                    Hadaba si loo sameeyo darbi iyo gaashaan adag kaas oo u dhaxeeya madaxda iyo khatar ayaa noqonaysa hadba aqoonta iyo xirfada hawl wadeenada amniga madaxda .

Hab ilaalinta iyo maamuuska madaxda qaranka ugu sareeya wali lama jaanqaadin hab maamuuska iyo ilaalinta casriga ah ee dunida hada ka jirta “Presidential Protocol Security “ .                                                                                              Xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay mudane Muuse Biixi Cabdi isbedel muuqda kuma samayn ciidanka ilaalada madaxtooyada iyo chief of protocol.   Waana dhaliilaha maamul xumo ee 27 jirsaday qarankan jamuuriyada Somaliland. Waxaase mudane muuse biixi laga sugayaa isbedel ku saabsan dhanka ilaalada madaxtooyada iyo habmaamuuska madaxtooyada

 

WAXQABADKII 120 MAALMOOD EE WAAXDA DEMBI BAADHISTA C.I.D

C.I.D waa waaxda u qaabilsan daah ka rogida iyo cadaynta dambiilayaasha iyo fal dambiyeedka dhacay Aqoonta iyo xirfada hawl wadeenadani waa furaha cadaalada .

120 maalmood ee ay jirtay Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay mudane Muuse Biixi waxba kama qaban hawl wadeenada waaxda dambi baadhista qaranka ee dhanka kor u qaadida aqoontooda iyo xirfadooda .  Dhisida iyo balaadhinta xafiisyada iyo xarumaha C.I.D waxaa ka mudan helida shakhsiyaad leh aqoon iyo xirfad hawl galeed si ay u caawiyaan hay,addaha cadaalada .

 

WAXQABADKII 120 MAALMOOD EE HAY, ADDA SIRDOONKA QARANKA N.I.A

Hay,addaha sirdoonku waxay kaalin wayn ka qaataan ilaalinta iyo sugida amniga qaran leeyahay waana indhaha iyo dhegaha dhabta ah ee ilaaliya danaha qaranka ee gudeed iyo dibadeedba .

120 Maalmood ee xukumka uu hayay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi wax muuqda oo isbedel ah kuma samayn Hay,adda sirdoonka qaranka iyadoo hada aynu ku jirno xaalad siyaasadeed oo inooga imanaya dalka aan dariska nahay ee Somaliya .

Hay,adda sirdoonka qaranku waa hay,addaha hawl gabka ah ee ka mid hay,addaha dawliga ah waayo hay,addaha sirdoonku waxay leeyihiin hawl wadeeno leh aqoon iyo xirfad ku saabsan arimaha sirdoonka

 

 

 

WAXQABADKII 120 MAALMOOD EE DAGAAL BEELEEDKA GOBOLKA SANAAG

Tan iyo intii uu xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay Mudane madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyo golihiisa wasaaradiisa ayaa qodobo ka soo saaray dagaal beeleedka ka soo noqnoqday gobolka sanaag . Sidoo kale xukuumadu waxay samaysay dadaalo lagu baajinayo nafta iyo maalka muwaadiniinta . dadaaladaas oo badankood ahaa kuwo ciidamaysan oo la dhexdhigayo laakiin dhamaantood may noqon xal waara .

 

 

FG:Qormadani maaha mid ku lid ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland laakiin waa qormo aan ku hogo-tusaalaynayo madaxda iyo masuuliyiinta qaranka .

 

 

 

 

Contact

Abdirahman Jacob Hassam                                                                                                                                                   Security Analyzer                                                                                                                                                                                                           Borama, Awdal , Somaliland                                                                                                                   jacobhassam@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker