Madaxweyne, Madbacadda Qaranku waa Halbowlaha Xafidaadda & Daabacaadda Dhukumantiga Dawladda !!

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxaan u soo jeedinayaa in Madbacadda Qaranku tahay Xafiis Halbowle u ah Xafidaadda iyo Daabacaadda Dhukumantiyada Dawladdu ku shaqayso, sidaasi awgeed Mudane Madaxweyne Madbacadda Qaranku waxay u muuqataa in shaqadeedii hawlbowlaha u ahaa Dawladda ee Daabacadda dhukumantiyada ay u daabacdo Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda laga leexiyey  oo Wasaaradaha iyo Hay’adaha badankoodu ay ka daabacdaan Madbacadaha gaarka loo leeyahay, haddaba Mudane Madaxweyne waxa lama huraan ah in Dawladdu tayayso Madbacadda oo xitaa laga daabaci karo Kaadhka Muwaadinka iyo dhukumanti kasta oo Dawladdu ku bixiso Qandaraas dibadeed, sida buugaagta dugsiyada sare iyo kuwa Hoose/Dhexe. Sidaasi darteed Mudane Madaxweyne Madbacadda Dawladdu waa Hay’ad muhiim u ah Xafidaadda iyo Daabacaadda dhukumantiga ay ku shaqayso Dawladda dhexe iyo Dawladaha Hoose-ba, sidoo kale waa Hay’ad wax soo-saar oo is-bixinaysa marka aad Maalgelisaan ee loo soo iibiyo Mishiinno tayo leh oo Casri ah. Haddaba Mudane Madaxweyne waxaan ku soo ururrinayaa Talo soo jeedintayda Madbacadda Qaranku waa ilaalinta iyo Kaantaroolka Dhukumantiga Lacag qabashada Cashuurta Dawladda, waana lagama maarmaan shaqada ay u hayso Dawladda, markaa waa inay heshaa tayayn iyo dayactir.

Wa billaahi Tawfiiq

Qalinka: Mowliid Aadan Cumar

Hargeysa/Somaliland

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker