Hoggaaminta Geeljiraha iyo Askariga midna laguma hodmo W/Q:Dr-Abdulqani Hussein Beder

Raacatada waxa ugu cadowsan geeljiraha, dadkana waxa ugu qalafsan askariga.

Intaas dood badan oo lagu diido lama gelin karo, waayo waa la wada arkay, waa wax la tijaabiyey.

Dhinaca kalena xadiiskan u fiirso: Saxaabi la odhan jiray Caa’id ibn Camar, ayaa u soo galay hoggaamiyihii dhibta badnaa ee Reer Banii Ummaya ee la odhan jiray: Cubeydullaahi Ibn Siyaad, kolkaasuu ku yidhi: “ Wiilkaygiiyoow waxa aan Nebi Muxamed-scw ka maqlay isaga oo leh: “Kuwa wax raaca waxa ugu shar badan burburisada, waxa aan kaaga digayaa in aad ka mid noqoto”.

Kolkaasuu ninkaa madaxda ahaa Saxaabigii ku yidhi: “Waar naga fadhiiso adigu buushihii asxaabta Nebigaad ahayde”!

Saxaabigii ayaa ku celiyey oo ku yidhi: “Buushuhaba iyaga dabadood iyo intii aan iyaga ahayn ayuu ahaa, iyagu buusheba may lahayn”- Alla run badnaaye.

Geeljiruhu inta badan dhenged iyo qalafsanaan ayuu wax ku maareeyaa, way sii kala daran yihiine qaarkood dhengaddoodu waa burburin iyo kala tuur, sidaas waxa la mid ah askariga, miyaad illowdeen kacaannadii Afrika iyo Aasiya soo maray ee ay askartu hoggaaminaysay afartankii sannadood ee ugu danbeeyey ee qarnigii tegay wixii ay shucuubtooda ku faleen iyo halkay maanta yaallaan.

Xadiiskii la yaabka lahaa ee ay xaawalaydu isku wareysanaysay ee Umu Sarac waxa ku jirtay gabadh ninkeeda ku sifaysay : “Ama madaxuu dhalfiifaha kaa dhigi ama laf buu ku jebin ama labadaba wuu isugu kaa dari”

Tani riyo ma aha ee waa ra’yi

#Habluhu xadhig ma geyaan, xaqiraad ma ah ee waa xurmayn Ayan Mahamoudey.Image may contain: 1 person, beard

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker