Dawlada Singapore Oo Fashilisay Qalab Casri ah Oo Imtixaanaadka Lagu Qisho

Macallimad reer Singapore ah ayaa qirtay in ay lix arday oo Shiinays ah ka caawisay in ay khiyaamaan imtixaankii 2016kii, taas oo dacwad oogeyaashu ay ku sheegeen arrin aad looga soo baaraan dagay.

Tan Jia Yan ayaa imtixaanka gashay iyada oo si shaqsi ah isu diiwaangalisay, markii imtixaanka laga qaadayay ayayna muuqaal ahaan u wacday ardaydii kale iyadoo jawaabaha u akhrinaysa.

Ardayda ayaa marka ay imtixaanka galayeen watay taleefoon iyo sameecadaha yaryar ee dhagaha la gashado oo aan fiilo lahayn oo loo ekaysiiyay maqaarka ardayda. Tan ayaa Isniintii qiratay 27 dacwadood oo khayaano la xiriira.

Imtixaanaadka ayaa ahaa nooca O-levels loo yaqaanno oo caadiyan laga qaado ardayda 16 jirka ah. Saddex ruux oo kale ayaa wajahaya dacwado noocaas oo kale ah.

Hawshan imtixaanka lagu qisahyo ayaa fashilantay ka dib markii mid ka mid ah muraaqabiintii intixaanka ilaalinayay uu maqlay cod aan caadi ahayn oo ka soo yeeraya dhanka mid ka mid ah ardaydii wax qishaysay, sida uu sheegay mid ka mid ah dacwad oogeyaasha. Ardayga ayaa dhinac loo istaajiyay waxaana laga soo saaray taleefanka gacanta iyo qalabka wax lagu dhagaysto.

Khayaanada imtixaankan ayaa ahayd mid “sanco heer sare” ah loo adeegsaday ayuu yiri Vadivalagan Shanmuga oo ah ku xigeenka dacwad oogaha maxkamada madaniga ah, sida uu ku warramay Channel NewsAsia. Tan markii arrintaas ku kacaysayna waxay u shaqaynaysay xarunta waxbarashada ee Zeus Education Centre.

Saddexda ruux ee kale ee laga shakisan yahay ayaa kala ah Poh Yuan Nie oo madax ka ah xarruntaas waxbarashada iyo Fiona Poh Min iyo Feng Riwen, waxay iska difaacayaan eedaymaha loo soo jeediyay waxayna xukunka maxkamadda wajihi doonaan toddobaadkan dhammaadkiisa.

Poh Yuan Nie ayaa lagu eedeeyay in dadkaas Shiinaha u dhashay ay ka heshay 8,000 oo doolar. Dhammaan lacagtaas ayaa dib loogu celin lahaa ardayda haddii ay imtixaanka ku dhacaan.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker