Ardeyga iyo Waxbarashadda Kumbuyuterka ka soo Xidhiidhsan
Dhan kale waxa aan meesha ka Maqneyn Caqabadaha iyo Dhibaatooyinka baahsan ee lagala kulmey nidaamka cussub ee waxbarashaddu ay gashey,Ardey badan oo Guryaha joogta kuna xarreysan xannuuno nafsaani ah iyo Jimicsi la,aan ayaa isugu biirey soona foodsaaray inta waxbarashaddii laga fadhiistey,waa isbeddel aaney sugeynin,la mahadin,horrena aan loo arrag noociisa muddada intaasi leeg in tamartoodii iyo firfircoonidoodii ay ku lumiyaan joogitaanka iyo fadhiga guriga oo qudha.
nidaamkan cussub fikir abuur iyo kobcin khiyaal midna ma leh ilaa hadda sida dad badani ay rumeysan yihiin,waxa ay dishey xiisihii ardeygu u qabey waxyaabihii badnaa ee waxbarashadda ugu dhex jirey,waxa jirey xirfaddo badan oo caqli gal ah kana baxsanaa casharka oo ka socdey koolajka iyo dugsiga,kana duwanaa tan maaddada,waxa la ogsoon yahay in waxbarashadu ay tahay cashar iyo wax ka baxsan oo soo raacaba,ma helaan Ciyaarihii waxtarka lahaa,jimicsigii socodka,la joogidii ardeyda iyo wada socodkoodii,saaxibtinimadii ardeyda ee kala fogaatey,tartankii,wax wada akhriskii,kooxihii ardeyda ee is gargaari jirey,imtixaanadii,kaftankii,sheekooyinkii,wada shaqeyntii koolajka iyo dugsiga dhexdiisa, iyo halgankiiba, waxey noqdeen waxa la waayey oo lumey,waxaasi oo dhammi waxey ardeyga taabsiin jireen aqoonta, iyo fursadaha badan ee uu maalin kasta ka heli jirey koolajka,waxey ka gargaari jireen koriinkiisa qofnimo iyaga oo ku biirin jirey caafimaad iyo fikir intaba.
in uu guuleysto Qorshaha waxbarashadda kumbuyuterku hagaayo ee somaliland gashey waxa ku furan cabaqad kale oo la xidhiidha cadaalad darro iyo xaqa darro sababi karta kuna keeneysa in uu gebi ahaanba istaagi doono hannaankan cussubi,ka hor isbeddelkani muu jirin barnaamij u sahlaaya in baahiyaha jira ay dawladdu la socoto amma iman kara sida habka dugsiga ama jaamacaddu uga jawaabi karaan hawlaha ka baxsan inta la og yahay”Early Warning System”(EWS)’.Ardeyda aan helleynin ama heysanin agabyada tiknolojiyadda sida telefoonada gacanta (Cellphones),kumbuyuterada gacanta (Laptop),kumbuyuterada(Desktop) guriga la dhigto ama xafiiska,iyo khadka internetka (WIFI) in waxbarashada kumbuyuterka hagaayo ay la socdaan wey ku adkaan doontaa,kuna cuslaan doontaa la socodka iyo ka qeyb qaadashada fasalladan cussubi,Khadka (internet)ka oo aan joogto aheyn culeys joogto ahna leh meelaha fog,fog ayaa dhanka kale dalkeena joojinaaya waxabrashada masaafada fog,sidaa darteed in isgoolada dib loo furaa waxa ay noqon doontaa darruuri,mana noqon doonto doorasho ama qasab,waase daruuri.
ugu danbeyntii culeysyada kale ee jira cidhiidhigina ku haya waxbarashaddana cussub waxa ka mid ah iyada oo aan maddooyinka qaarkood la dhex marin karin,dersiyadaasi oo ah kuwo u baahan in gacanta laga barto kuwaasi oo ku fiican in si foolka fool ah isu wajahaan macallinka iyo ardeygu,dugsiyada farsamada gacanta ayaana ugu badan (Technical schools),dugsiyada hoose/dhexe iyo kuwa barbaarinta carruurta,kuwaasi oo dhammaantooda fidradan waxbarsho ku dhibaatoodey,inkasta oo tiknolojiyaddu suurto gal ka dhigtey una sahashey jaamcaddaha iyo qeybo dugsiyada sarre ah,haddana marna ma beddeli karto nidaamkii horre,lagumana bixin karo waxbarashaddii isticmaalka iyo waxqabadka ku socotey una baahneyd in ardeygu la joogo macallinka marka uu soo bandhigaayo dersiga.”Meelo badan marka la soo noqdo Ayuunba waxbarashadda dib loo billaabaya haddana gebi ahaanba wey taagan tahay”.Mustaqbalka Xal keeni.
Abdifataah M.Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.co