Xubno Muhiim ah oo iska Casilay Guddiga Doorashada Kiiniya

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kiiniya iyo laba xubnood oo kale ayaa maanta shaaciyey inay xilkii iska casileen kadib markii xal loo waayey xiisad ka dhex taagneyd guddigaasi oo horey loogu eedeeyey musuq maasuq.

Ms. Connie Nkatha Maina iyo labo xubnood oo kale oo kamid ahaa Guddiga oo lagu kala magacaabo Margaret Mwachanya iyo Paul Kurgat, ayaa sheegay inaysan kalsooni ku qabin Guddomiyaha gudigaasi Wafula Chebukati oo ay sheegeen inuu ku guuleysan waayey hogaaminta guddigaasi oo ay hareeyeen eedeynmo musuq maasuq.

Xubnaha iscasilay ayaa sidoo kale sheegay in qaar kamid ah Guddiga ay ku mashquulsan yihiin hawlo ugaar ah iyo awood maroorsi ka imaanay guddoomiyaha.

Guddiga doorashada ee Kenya ayaa horey loogu eedeeyey inay musuq maasuqeen doorashadii ka dhacday dalkaasi sanadkii tagay oo ay ka dhalatay xiisad siyaasadeed iyo dacwada mucaaridka oo keentay in labo goor lagu celiyo codbixintii doorashadii Madaxweynaha.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker