Xildhibaan Uu Abaal U Galay Xisbiga UCID Oo Iska Xaadiriyey Xisbiga KULMIYE

Iyadoo uu loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada uu meel xasaasi ah marayo, isla markaana uu xisbiga KULMIYE uu waddo qorshayaal kale duwan oo uu ku doonayo inuu ku hanto Xildhibaanada labada Xisbi ka soo baxay qaarkood si uu u helo aqlabiyadd uu xilligan raadinayo ee Golaha Wakiillada.

Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex uga soo baxay Xisbiga UCID,ayaa la sheegay inuu kamid yahay Xildhibaano u dusay Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo marti looga yahay keliya inay codka siiyaan Faratoon marka la gaadho doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada.

Dhanka kalene Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid ayaa Xisbiga KULMIYE uu isaga iyo beeshiisa u diiday inay iskaga sharraxaan doorashada ka hor,iyadoo hoggaanka KULMIYE ay quudhsi kula kaceen,balse Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isagu Xisbiga UCID ka siiyey boosas ay iska sharraxeen beesha Ayuub,haseyeeshee Xildhibaankan,ayaa u muuqda mid hilmaamay markii uu soo baxay ee uu guulaystay Xisbiga UCID oo fursad siiyey xilligii uu soo caydhiyey KULMIYE.

Masuul ka tirsan Xisbiga UCID oo xafladii Xisbiga UCID uu u qabtay Musharraxan haddal ka jeediyey ayaa sheegay in looga baahan-yahay beesha maddaama KULMIYE uu soo diiday inay is muujiyaan oo ay soo saaraan Musharraxiintooda “Xisbigii kale ee beeshan Ayuub mid la diidi karro maahee ee yidhi Xildhibaanadooda ma oggoli, waa in aad u hiilisaan Xildhibaanadiina saw mahaa “ayuu yidhi

Geesta kalena Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo isaguna xaflada uu Xisbiga UCID u qabtay Musharraxan haddal ka jeediyey ayaa sheegay sidan:-” Waan naxay markii la yidhi Beeshii Ayuub Musharrax Ma Leh Oo Waa La Diiday ” Guddoomiye Faysal Cali

Si kastaba ha-ahaatee Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid ayaa la sheegay inuu isna kamid noqday Xildhibaanada dhabarka ujeediyey Xisbigii ay kasoo baxeen ee UCID,waxaana la sheegay inuu iska xaadiriyey KULMIYE,balse ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay UCID ilaa hadda iyo Xildhibaankaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker