Wasaaradda caafimaadka ee Soomaliya oo Digniin Soo saartay

Wasaaradda Caafimaadka iyo dareyeelka Bulshada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay heshay Digniino Caalami ah oo ku aaddan waxyeellada laba daawo oo sharooba ah kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka.

Daawooyinkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay :AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup, waxaana soo saara shirkadda MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.

Warkan oo ay wasaaraddu soo dhigtay barteed facebook-ga ayaa waxay ku sheegaty inaysan xaqiijin karin in ay dalka yaaallan iyo in kale.

Dhaqaatiirta ayaa loogu baaqay in bukaannada loo qorin dawooyinkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker