WADADA BERBERA IYO WAJAAL.

Waxaan doonayaa in fikirkayga ka dhiibto qorshaynta dhismaha wadada isku xidhi doonta Berbera ilaaWajale. Waxaa mudo dheerka shaqaynayay hay’ada wadooyinka gobalka California, Cariga Maraykanka, (as traffic engineering). Mudada waxaan ka shaqaynayaysidii isku socodka taraafikada magaalooyinka gudahooda iyo dibadoodaba loo fududayn lahaa.

Haddaba, aniga oo khibrada aan u leeyahay wadooyinka iyo taraafikada ka faa’iidaysanaya, ayaan doonaya in aan taladayda ka dhiibto sida wadadani dalka Imaradku dhisayso ee isku xidhi doonta Somaliland iyo Itoobiya loo hirgalin lahaa. Waxaa haboon in la qaato qorshaha ugu fiican, iyada oo dhinacyo badan laga eegayo. Waxaa igu maqaal ah, in sharkad Chines ah, oo soo codsatay qandaraska dhismaha wadadani, in ay soo jeedisay in ay si fudud, oo jaban uga hirgalin karto wadadani haddii xeebta la mariyo.

Haddaba, aniguna waxaan qabaa in wadadala mariyo xeebta, dhawr sababood awadeed. Kuwasi oo ah:

  1. Qiimaha wadada ku kacayso waxay ku xidhan tahay, deganka ay wadada laga dhisayo. Haddii wadadu magaalooyin iyo beero dhex marayso, dhaqalaha ku baxayaa wuu badanayaa, wakhtiga lagu dhisayo wuu dheeraanayaa. Haddaba, haddii guryo, iyo beero wadadu ku beeganto, waxay noqonaysaa in la iibsado guryaha iyo beeraha, lana burburiyo.

 

  1. Wadada xeebta maraysaa, waxay horseedaysaa indeganada xeebahu la dago. Waxaa ay dad badan shaqooyin ka helayaandeganka xeebta ee dadku dalxiiska ugu tagi doonan.

 

  1. Baabuurta waawayn ee xamuulka u sida Itoobiya waxay khasaro naf iyo dhaqaale ku keenayaan dadka iyo xoolahawadada ku agdhaw. Haddii wadada la mariyo xeebta, dad badan kuma noola dhulka ay wadadu marayso, isla markana waxaa qorshaha lagu dari karaa in wadada laga durkiyo dagaanada mustaqbalka iman doona.

Haddaba, waxaan qabaa in si fudud loo dhisi karo wadadani, wakhti koobana qaadan karto. Dhulka wadadani laga dhisayo waxaan u qaybin lahaa dhawr qaybood:

  • Masafada Berbera ilaa Ceel Sheekh waa 50 Mile (80 Km).

Dhulku waa isku siman yahay si fudud ayaana wadadani looga hirgalin karaa. Wadaduna waxaa barbar soconaysaa xeebta, iyada masaafad loo jirsiinayo xeebta iyo tuulooyinka ku yaala. Waxaana laga yaaba in ay u baahato laba ama saddex biriij ama kabadood oo biyuhu hoos maran.

  • Masafada Ceel Sheekh ilaa tuulada Horo hadlay waa 44 Miles (71 Km).

Marka laga soo daadago dhulka xeebta, waxaa loo soo galayaa dhul iskugu jira dooxyo, banaano iyo buuro. Sideed (ama 8 miles) waa buur, wadada laga dhisayaa waxay noqon doonto mid taga iyo daadaga, lakiin dhulka intiisa kale waxuu isugu jiraa dooxyo iyo banaano. Dooxyadu waxay u baahan yihiin biriijyo, ama kabado biyuhu hoos maran. Dhulka inta kale waa banaan ay fududahay in wado laga hirgaliyo.

 

 

  • Masafada Horo Hadlay ilaa iyo Hargaysa (Kontaralka Galbeed) waa 23 Miles (37 KM).

Dhulkani wuu isku siman yahay aad ayayna u fududahay in wado laga hirgaliyo, hadday ugu badan tahay waxay u bahnaan doonta dhawr kabadood oo biyaha hoos maran.

  • Masafada Hargaysa, ilaa iyo Wajale 47 Miles (76 KM).

Dhulkani waxaa marta wado duuga oo aad u jajaban, waxayna u bahan tahay in dib habayn lagu sameeyo lana balaadhiyo. Waxaa kale oo la samayn karaa wado garab cararta wadada hada jirta.

Gaba gabadii, masaafada wadada cusub ee Berber ilaa Hargaysa ee xeebta maraysaa wuxuu noqonaysaa116 Miles (187 KM).Wadadani waxa kale ooy fudidaynaysa in la dhiso wadada isku xidha Somaliland iyo Jabuti. Masafada Ceel Sheekh ilaa Saylac waa 100 Miles (161 KM) oo dhul isku siman, aad ayayna u fududahay in wado laga hirgaliyo. Sidaasi oo kale, marka dhaqale la helo, waxa la dhisi karaa wadada xeebta marta ee isku xidha Berbera iyo Las Qoray.

 

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!

OMAR A. YOUSUF           OAKLAND, CALIFONIA

DALAYADA “DANTA QARANKA SOMALILAND” (SOMALILAND FIRST)

WWW.SOMALILANDFIRST.COM

 

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker