Dawladda Itoobiya Oo Xuduudka Somaliland Ay la Leedahay Ku Qabatey Gaadhi Hubsidey

Saraakiil ka tirsan waaxda dakhli uruurinta wasaaradda Maaliyadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in maanta ciidamada ammaanka magaalada Wajaale ay ku qabteen gaadhi lagu soo qariyey hub, kaas oo ka yimid dhinaca Somaliland.

 

Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in ciidamadu ay gacana ku dhigeen gaadhi uu noociisu ahaa Isuzu, kaas oo siday 22 bistoolad oo ah kuwa lagu sameeyo dalka Turkiga.

Sidoo kale saraakiishan ayaa shaaciyey in la xidhay wadihii gaadhiga, islamarkaana ay haatan ku socdaan baadhitaano dheeraad ah.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo bishii June ee sanadkan uu afgambi fashilmay ka dhacay gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Amxaarada ee dalkaasi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker