SOMALILAND MAXAA ISKU XIDHAY EE ISKU MARAY DIGREETO MADAXWEYNE OO MASUUL MEEL DHIGAYSA IYO SULDAAN IYO CAAQIL.

Somaliland waxaa isa sudhan Digreeto madaxweyne oo nin masuula ah meel loogu dhiibaayo iyo ninkii masuul ka ahaa oo og in Caaqilo iyo Suldaano magaciisa Madaxweynaha u geeyeen. Arintani waa halka Xukuumadaha Somaliland ay salaaddoodu ka xidhmi la’dahay ee dadkii aqoonta lahaa iyo kuwii waxbarashada ku jiray iyo maamulka wadanka sida ( practical) ee wax u socdaan waanay is waafiqi la yihiin. Matalan ninka Badhisaab Digreeto madaxweyne lagu magacaabaa waxay tahay cilmiyan inuu ninkaasi aqoon jaamacadeed iyo wixii (equivalent) haystaa oo aaf uga soo shaqeeyey wasaaratul Daakhiliyah masuuliyadaheeda kala sarreeya, waa inuu shaqada wasaaratul Daakhiliyah khibrad u leeyahay heer wadan, heer gobol iyo heer Degmoba. Waa inuu yaqaan siday u wada shaqeeyaan madaxda Booliiska ee Gobol iyo Dawladda hooseba iyadoo weliba waafaqsan saami qaybsigan la sheego had iyo jeer. Suldaanadu iyo Caaqiladu waxay aqoon u leeyihiin dhaqanka Somaliga, Afsomali reeraha lagula hadlo, qaybaha reeraha laakiin shaqada wasaaradaha iyo hab maamulka dawladda ee iyo cilmiga lagu shaqeeyo aqoon uma laha. Markaa nin masuula meel laga bedelo waxaa uu suldaan iyo Caaqil ugu cararayaa waa Digreetadii lagu magacaabay ayey wax ka qaldanaayeen markaa mar walba albaabkii qaldanaa ee uu ka soo galay buu ka baxaa masuulkaasi, wadankana buuqbuu geliyaa. Dembigaa yaa leh, anigu markaan shiilay arintaa waa Dembi madaxweyne oo ah hab maamul qaldan oo ninba meel ku gufeeya.

Shaqaalaha khibradda leh ee wasaaradaha joogaa ee xoghayaal, maamulayaal, agaasimayaal, isuduwayaal waa inay kor u socdaan oo khibradoodu gaadhsiisaa masuuliyadaha ee Madaweyne ha ka daayo dadka Suldaanada iyo Caaqiladu wadaan ee laga dul gelinayo ee hadhawna uu media ka qaylinayo marka shaqada laga bedelo.

Waxaa ogaataan inaan wadanku jahawareerka ka baxayn inta ay badantay nin masuuliyad aanuu cilmi iyo khibrad u lahayn loogu magacaabayo waa Saami qaybsi oo kii ay isku reer ka ahaayeen ee khibradda u lahaa sababo xunxun awgood la soo barbarmarayo , taasuna waxay ka mid tahay MUSUQMAASAQA RAGAADIYEY SOMALILAND. MADAXWEYNE MUSE UMMADDA HOORTEEDA AFKIISA WAXAA KU BADAN MUSUQMAASAQA WAAN LA DAGAALAMAYAA LAAKIIN BULSHADU WAXAY RABTAA ARINTAASI INAY QALBIGIISA KU BADATO OO UU KA RUMEEYO. Saboolku sideedaba wax ka indhadheer waayo nololbuu rabaa markaa wax jira lagama qarin karo ee Mucaarad iyo Muxaafidba isbedel baa Kulmiye ha cusub laga rabaa haddii kale WALEE REER AAN OGAY MA GUURO.
M BASHE (Meerkat)

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker