Shirwaynaha carabta ee sucuudigu ee bilaa dhadhanka ah.
Magaalada Dahraan ee dalka Sucuudiga waxaa sigaar ah iyo waliba wakhtigaar ah ku kulmaya hogaamiyeyaasha aan yoolka lahayn, haseyeeshee sida wayn u ogsoon in waagu gadaashooda ka baryay sidoo kalena ka warhaya in caalamku la socdo in qorshe kasta oo ay dajisitaan yahay hal bacaad lagu lisay.
Wakhtiga ay kulankan yeelanayaan waa xili , aanu aduunka dushiisa ku sugnayn hogaamiye Cabdinaasir kii reer Masar , halyaygii hamiga sareeyay , aragtida dheeraa ee hal-abuurka lahaa.
Waa ninkii jiheeyay umadda carbeed ee dhaqaajiyay biyo ilaa biyo iyaga oo aan meelna ku kala hadhsanayn oo isku duuban, waa ninkii awood u yeeshay in uu idaacadda codka carabta ka hadlo isaga oo ku hadlaya codka carabta. Waxaanu ummadda carbeed si toos ah ugu xidhay magaalada caasimadda ah ee Qaahira, waxay ummaddu rajadeedii ka dhex aragtay caasimada Qaahira, immikase ummaddaasi waxay ku nooshahay quus iyo billaa rajo.
Wakhtiga ay kulankan yeelanayaan ma joogo Saddaam Xuseen, ninkii madaxa adkaa ee ku riyoon jiray in maamulka dunida mar uun looga dambeeyo carabta. Waxaase hamigiisii xabaalay isla carabta.
Wakhtiga ay kulankan isugu imanayaan waa amin boqor Faysal dunida ka hoyday,waa ninkii fahamsanaa in hogaamiyanimada dhabta ahi tahay in shucuubta carbeed iyo kuwa muslimka ahba la isku wado, arinta ugu horaysaana ay tahay arinta Qudus, sidaasi awgeed waxa uu boqor Faysal u jeestay xaga muslimiinta waxaanu u sameeyay kulan sanadkii hal mar la qabto oo uu ugu magacdaray kulanka iskaashiga muslimiinta si loo xoreeyo Falastiin.
Waa wakhti aanu noolayn caalimkii Azhar sh Muxamed Al-qazaali AHUN ,waa ninkii gartay in ururada carabtu samaysteenay yihiin dhibaatada carabta haysata. Ururada oo meesha ka baxaana lagama maarmaan u tahay in carabi hurumar gaadho xoraysatana dhulkeeda la haysto.
Wakhtigan ay kulmaan hugaamiyayaasha karaatoonta ah ee aan shucuubtooda matalin waxay isugu yimaadeen si ay kuraastooda iyo madaxtooyoonkooda uga ilaashadaan cidda ay maamulaan iyaga oo aan iska ilaalinayn cidda cadawgooda ah ee dibada ka jirta.
Waxay kulmayaan goor dawlado burbureen, caasimadihiina gumaystaha shisheeye u gacan galeen, goor ay kaalintii carbeed ee waxtarka lahayd maqantahay, Turkiguna ku suganayahay Ciraaq, Suuriya iyo Soomaliya,sidoo kale dawladda Iiraanna ay siday doonto ka yeesho wadamada: Suuriya, Ciraaq, Yaman iyo Lubnaan.
Waxay u kulmayaan hogaamiyayaasha aan sharciga ahayn ee aan waxtalka lahayni si loo yidhaahdo way kulmeen oo kali ah. Maxaa yeelay, codkuma laha Suuriya , sababtuna waxa weeyi Suuriya waxay noqotay meel ay awood ku leeyihiinwadamada Ruushka iyo Maraykanku, waxaana ka dhaca wax kasta oo ay Iiraan rabto. Ma jiro cod ka sareeya codka Murshidka Iiraan, Soomaaliyana waxay noqotay meel ay ku raaxaystaan Afrikaanku oo ay doorbidaan Turkigu, saamayna kuma laha Carabtu arinta Soomaaliya.
Waa wakhti uu Taraam ku guulaystay in Carabtu go,aanadeeda ka tirtirto kana saarto arinta Falastiin, hadal madhan ayaa Carabta ka soo hadhay arinta Qudus. “ waa qasab in Falastiiniyiintu dawlad ku yeeshaan daanta galbeed iyo Qaza , oo ay Qudusta barri noqodaa caasimadda Falastiinta madaxa banaan.” waa ereyo la soo celeliyo balse waa ereyo iyaguna wakhtihga la muunad baxay.
Amintan la joogo , ma jiro wax ku cusub kulankanka guud oon ka ahayn la dagaalanka argagixisada, targagixisada oo aan la isla garanayn macneheeda. ma jiro faham aqoonaysan oo ay ka haystaan argagixisada. Argagixiso waxay yaqaanaan kalamad ujeedadii la doono loo adeegsan karo oo kun macne leh: macaaridka siyaasiga ahi waa aragagixiso, ka iska caabinta ku jira dhulkiisa difaacayaa waa argagixiso,midka fikirka iyo diinta ku khilaafaa waa argagixiso, tani waa arin ka dhigtay jaamicada carabta mid jihadu ka lunsantahay xili ay carabtuna wareersantahay.
Masar waxa ku sugan Ikhwaanul muslimiinka,waa dhaqdhaqaaq nabadgalyo, waataariikhdu ka makhraati-kacday inay tahay mid dhexdhexaad ah. Hada waxay ugu yeedhaan argagixiso.
Sucuudiga waxa dhaqdhaqaaq isbadaldoon oo Sunni ah iyo kuwo Shiico ah, waxaanay u yaqaanaan argagixiso, Baxrayn waxa ku nool koox Shiico ah, waxay ugu yeedhaan argagixiso, Yamanta waxa ku sugan Xuutiyiinta, waxay u aqoonsanyihiin argagixiso, Lubnaan waxa gasha Xisbullaah, waa argagixiso, dalka Suudaan waxa jira dhaqdhaqaaqyo fallaagoobay, waxay ugu yeedhaan argagixiso.
Waxa markaa is waydiin leh waa maxay argagixiso? ma Janaraal Cabdulfataax A-siisi oo dilay tobanaan kun oo ruux mise hogaamiyaha guud ee Ikhwaanul muslimiinta Masar oo ku faanay in banaanbaxa nabadeed oo ay sameeyaan ka awoodbadan yahay hubkooda ayaa argagixiso ah?
Ma waxa argagixiso ah,ina Salmaanka xidhxidhay tobanaan ka mid ah madaxdalaka Sucuudiga ee taxaabay boqolaal ka mid ah culimada dalkaasi mise ragga la ururriyay ee xabsiya laga buuxiyay iyaga oo aan dambi lahayn sida Salmaan Al-cawda iyo kuwa la midka ah.
Wax ku cusubi ma jiro magaalada Dahraa Noon ka ahayn in la badalay meeshii shirka lagu qaban lahaa ee riyaad oo looga baqay madaafiicda Xuutiyiinta. Waa fadhiyo dhaadheer oo lagu raago iyo sawiro la iska qaado oo ka dhex muuqdaan qaarka mid ah hogaamiyaasha oo ku dhex gam,ay hoolka kulanka.
Ma jiro wax ku cusub shirka Sucuudiga ka dhacaya oo aan ka ahayn in ay yimaadeen qaar ka mid ah madaxda boorsooyinkooda ku sida lacagta, haday maqnaadaana oo hanjabayo looguna caga-juglaynayo in xujaajta dalkooda loo diidi doono in ay yimaadaan Xaramka. Damaam waxa jooga dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan xalad lahayn, waxa sidoo kale ku sugan hogaamiyayaal carbeed oo kulan ku leh, haseyeeshee dhamaandood waxay u cabsanayaan mustaqbalkooda, iyaga oo ku sugan mandaqad xuduudo iyo maab xusub yeelanaysa, wayse ka war la, yihiin
Way u dhamaatay jaamicadii Carabta, waxa ku sii hadhsani waa is qurxin yar, xabaalbaanay qarka u saarantahay, waxaanu bariga dhexe galayaa wareeg kale oo siyaasadeed oo aan xidhiidh la lahayn jaamicada Carabta, ciyaaryahana siyaasada ee dhulkanina waa xubno aanay jaamicada carabtu ka mid ahayn; waa Turki, Iiraaniyiin iyo Yuhuud. Iyagaa ah kuwa wax fulinaya, waana xaqiiq aan la dafirikarin, hadaan la iska waynaysiinayn.
W/Q : Sh. Abdiraxmaan Bashiir
W/T : Muuse Cabdiraxamaan


