Maxaa qurux badan, maxaa foolxun? Maxaa suubban, maxaa silloon?

Maxaa qurux badan, maxaa foolxun? Maxaa suubban, maxaa silloon? Waa cilladda kowaad ee isdiiddada dhex dhigtay dadyowga iyo qofafkaba. Wax cid la qiimi leh baa cid kale la qaayo la. Waa halka ay ka soo baxday mad’habta falsafadeed ee la yidhaahdo Relativism. Ka la duwanaanta dhaqamada dadyowga iyo islayaabkooda ayay ka muuqataa. Waa kolka ay qasab tahay in wax la gu maareeyo garawshiinyaha Cultural Relativism.

Eeygu waa noolaha dadka ka dib u gu sharfan ee loo gu jecel yahay Yurub, qoyskana sida uu qalbigooda u gu dhow yahay ubadkooda u ga ma duwana. Tiro ma laha inta ay filin, gabay, farshaxan iyo sheeko faneed ku muujiyeen saaxiibnimada eeyga. Laakiin innagu nijaas baynnu u naqaan oo intii aynnu ka durki karno ayaynnu ka durugnaa, qoyaankiisana toddoba jeer baynnu is ka dhaqnaa. Taa beddelkeeda geela ayaa inoo leh qiimi iyo kalgacal aan hadal la gu koobi karin. Qofka Soomaaliyeed hashiisu u ga ma yarayn ilmihiisa, taasna maanso iyo maahmaah aan tiro lahayn buu ku sheegay. Wax uu ku maahmaahay “hali waa rag hooyadii”. Cumar-Ustareeliya, Xasan Tarabbi, Cabdi-Gahayr, Cabdi-Galayax, Maxamed Gacal Xaayow, Gammuute, Cali-Afyare iyo boqollaalkii nin ee geela ammaanay wax ay gaadhsiiyeen heer qaddaasadayn ah. Adduunka daa ee xitaa aakhiro nin aan geel lahayni nin ma aha, ayay ku gaabsadeen markii gabaygu ammaanta ay la doonayaan u koobi waayay.

Ma daawan karo anigu maanta, ka mana fekeri karo, in Ustaraaliya rasaas la gu xasuuqayo kumannaan iyo kumannaan halaad oo qurxo badan. Geel dhalay oo ibo da’aya iyo geel fool ah. Nirgo baarcad ah iyo baarqabkii dhalay oo gaaddada ku riixaya. Qaalin abeer ah iyo qaalin imika doobdillaacsaday. Waxiiba rasaas bay la dhacayaan. Ax! Laakiin reer Ustaraaliya waa gartood oo iyaga doofaarka ayaa xoolo u ah.

Ibraahin-Hawd Yuusuf

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker