Raysal-wasaaraha UK, Ms.Theresa May Oo Baarlamaanka Dalkeedu Su’aalo Ka Waydiiyey Weerarkii Suuriya

Raysalwasaaraha UK, Ms.Theresa May oo maanta oo Isniin ah hortagtay Baarlamaanka dalkaasi ayaa difaacday kaalintii ay xukuumadeeda ku lahayd duqeyntii xulafada Maraykanka la beegsadeen qaar kamid ah Saldhigyada Dowlada Siiriya.

Duqeyntii Sabtidii lasoo dhaafay Maraykanka, UK iyo France la beegsadeen wadanka Siiriya ayaa waxaa su’aalo ka keenay qaar kamid ah xildhibaanada Ingiriiska oo sheegay in xukuumada May aysan fasax ka heysan Baarlamaanka in ay qaado tilaabadan militari.

Ms.May ayaa sheegtay in go’aankan ay qaadatay kadib markii uu sidaa ka codsaday Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isla markaana ay u aragtay in tilaabadaasi militari ahayd mid sax ah.

Hogaamiyaha Mucaaridka UK ahna Madaxa xisbiga Shaqaalaha, Jermey Corbyn ayaa u sheegay Theresa May inay hoos timaado Baarlamaanka UK oo aysan hoos tagin amarada ka yimaada Madaxweynaha Maraykanka.

Wuxuu sidoo kale hogaamiyaha Mucaaridka su’aalo ka keenay sharciga ay duqeyntan u mareen xukuumada UK, maadaama hawlgalkan militari uusan ahayn mid laga ansixiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Xulafada Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntii Sabtidii la beegsadeen xarumaha lagu sameeyo iyo kuwa lagu kaydiyo hubka kimikalka ah oo lagu eedeeyey xukuumada Bashar Al Assad inay u adeegsatay shacabkeeda.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker