Cilaaqaadka Iimaaraadka iyo Soomaaliya Oo Sii Xumaaday

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la joojiyey hawlihii milateri iyo caafimaad ee Iimaaraadka carabtu ka wadeen Soomaaliya.

Hawlaha la joojiyey waxaa ka mid ah adeegyadii isbitaalka Sheekh Saayid ee ay taageerto dawladda Imaaraadka Carabta, ka dib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Isbitaalka Sheekh Saayid ayaa todobaad kasta dhowr maalmood adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah u fidin jiray dadka danyarta ah. Qaar ka mid ah shaqaalaha isbitaalka ayaa BBC u xaqiijiyey in lagu wargeliyey in la joojiyey hawlihii isbitaalka ilaa amar dambe

Sidoo kale dhaqdhaqaaqyo u muuqda inay uga guurayaan kooxda tababarayaasha Imaaraadka ayaa ka socda xero ay ku tababaraan milatariga Soomaaliya oo ku taala magaalada Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in tan iyo subaxnimadii laga soo saarayey qalab ku jira kontaynarro, kuwaasoo loo daabulayey dhinaca safaaradda Iimaaraadka carabta.

Iimaaraadka ayaa hadal ay soo saareen ku sheegay inay joojiyeen hawlihii la xiriiray tababarrada milateriga ee ay soo wadeen tan iyo 2014.

Waxay kaloo Iimaaraadku bixin jireen mushaarka ciidamo ay iyagu tababareen.

Cilaaqaadka labada dal ayaa xumaaday ka dib markii todobaadkii hore magaalada Muqdisho lagu qabtay lacag lagu qiyaasay in ka badan 9 Malyan oo Doollar oo lagu keenay diyaarad ay Iimaaraadku lahaayeen.

Dawladda Soomaaliya ayaa lacagtaas la wareegtay.

Horraantii todobaadkan ayaa sidoo kale is mariwaa saacado qaatay wuxuu ka dhacay garoonka dayaaradaha ee Boosaaso, ka dib markii in muddo ah la xannibay hub la sheegay in la saari lahaa dayaarad halkaa ka qaadi lahayd tababareyaal milateri. Dayaaradda iyo dadkii raaci lahaa ayaa markii dambe halkaa ka duulay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa BBC u sheegay inuu socdo xiriir wadahadal oo toos ah oo u dhaxeeya labada dal, si loo soo celiyo cilaaqaadka xumaaday.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa isna ka codsaday in tabarayaasha milateriga ay dib u soo laabtaan.

Soomaaliya oo in muddo ah ku dadaalaysay in aysan qayb ka noqon xurgufta u dhaxaysa dalalka khaliijka, ayey iminka u muuqataa inaysan sinaba uga fursan doonin, bacdamaa marka dib loo tixraaco cilaaqaadka sii xumaanaya uu salka la galayo arrimo aan ka fogayn saamaynta Turkiga iyo Qatar oo dhinac ah ay ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya.

Xigasho: BBC SOMALI

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker