Shiinaha Oo Go’aan Cunsuriyad Ah Ku Qaaday Cayaaryahan Mesut Ozil

Mesut Ozil ayaa dhawaan ka hadlay sida dowlada Shiinahu ay u la dhaqanto Muslimiinta Uighur ka dib warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Waxaa la sheegay in hal milyan oo Muslimiinta Uighurka ah ay Ka Buuxisay Xabsiyo iyo xerooyin iyadoo Mesut Ozil uu sidoo kale ka hadlay wararka sheegayay inay gubeen Masaajido iyo Kutub Quraanka Qariinka ah.

Hadalka Mesut Ozil ayaa ka Cadhaysiiyay Shiinaha taasoo keentay in kulamada Arsenal laga joojiyo in laga baahiyo Televisionka ay dowladu leedahay ee CCTV. Ozil waxaa sidoo kale laga bixiyay Nuqulka Shiinaha ee ciyaar gacmeedka PES 2020.

Arsenal ayaa diiday inay Taageerto ciyaaryahankeeda sababo la Xidhidha danaha dhaqaale ee ay ku leedahay Shiinaha. Xaqiiqduna waxay u muuqataa in arintan aysan dhamaan doonin waqti dhow iyadoo jariirada The Times ay sheegtay in Ozil laga gaaray go’aan abid ah oo ku saabsan inaan magaciisa mar danbe lagu xusin warbaahinta dalkaas.

Xitaa marka uu gool dhaliyo magaciisa lama xusi doono.

Tabiyayaasha ciyaaraha waxa ay durbaba bilaabeen inaysan ku dhawaaqin magaca Ozil iyagoo gabi ahaanba iska indhotiray inuu garoonka ku jiro kulankii Boxing Day ee ay barbaraha 1-1 la galeen Bournemouth.

Waxaa ku xigay kulankii 2-0 ee ay kaga badiyeen United garoon Emirates, kaliya waxaa la xusay 10 ka mid ah 11kii xiddig ee ku soo bilowday shaxda Gunners.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker