Saddex qof oo dowladda Soomaaliya ay ka qabatay Kenya oo Sufyana ka mid yahay

Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaa soo baxayay tillaabooyin iyo habab kale oo dowladdu ay sheegtay in ay ula dagaallameyso kooxda sida in ay kala dagaallanto dhanka dhaqaalaha, faafinta fkiradaha xagjirnimada ah iyo dhinacyo kale. Waxaana hadda muuqanaya in dadka ay u aragto in aragti ahaan kooxda ay taageersanyihiin ay ku beegsato dalalka dibadda loona soo gacan galiyo.

Mid kamid ah dadka dawladda Soomaaliya gacanta u galay ee laga qabtay Kenya ayaa ah Xasan Xanafi oo ka tirsanaa jiray ururka al-Shabaab ayaa sannadkii 2014-kii laga qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana loo gacan geliyey dawladda Soomaaliya, iyadoo markii dambe maxkamaddi ku xukuntay dil toogasho ah kaas oo lagu fuliyay.

Waxay maxkamadu sheegtay xilligaas in lagu helay eedihii loo jeediyay oo ahaa inuu ku lug lahaa dilal Muqdisho loogu gaystay wariyaal.

Cabdi Nuurre Siyaad (CabdiWaal) waa hoggaamiye kooxeed hore sanadkii 2016-kii ayaa isna laga qabtay magaalada Nairobi, iyadoo laga dejiyay magaalada Muqdisho, loona gacan geliyay laamaha ammaanka Soomaaliya.

Xilligaas dowladda Soomaaliya waxay ku eedeysay Cabdi Waal falal amni darro iyo tillaabooyin liddi ku ah dowladnimada Soomaaliya.

Sufyaan Sheekh Axmed, oo sidoo kale loo yaqaan (Taakeeye ama Afarxaasle) ayaa hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee Nisa waxay sheegtay in lagasoo qabtay Nairobi lagana geeyay Muqdisho.

Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in uu”waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Shabaab”.

Sufyaan ayaa degganaa magaalada Nairobi, waxaana hay’adda Nisa ay sheegtay in hadda lagu bilaabay baaritaan iyo wareysiyo lala yeelanayo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker