Waa Kuma Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye oo la Filaayo inuu Noqdo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani…?.W/Q Farxaan Cali Faarax

Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan, waxa uu kasoo jeeda qoys taarikh fac-weyn oo xeel dheer ku leh geyiga Soomaaliyeed, khaasatan Deegaanada Somaliland, gaar ahaanna Gobolka Maroodi-jeex. Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan waa Saldalad guun ah oo 500-sanadood kasoo talineysay arlada Somaliland, gaar ahaan waa Saldalada Beel-weynta Subeer Awal.
Taarikhda Siyaasadeed ee Aadan Suldan Cabdiraxmaan, Waxa uu kamid ahaa Aas-aasayaashii Xisbigii Bah-weynta UDUB,  sidoo kale waxa uu kamid ahaa La Taliyaashii ugu dhowaa, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin. Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan waxa uu Kamid ahaa Xisbigii Udub garabkii Jamaal Cali Xuseen ee Ucid la midoobay 2012-kii. Muddo shan sanadood ah, ayuu Kamid ahaa madaxda ugu saraysaa Xisbigaas, sidoo kale, waxa uu mudadaas kasoo qabtay Xisbigaa xilal Kala duwan, waxa uu soo noqday Xoghayaha guud ee Ucid, isagoo hoggaaminaayey aakhirkii sannaadkii hore garabkii New Ucid ee Waddani galay.
Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan waxa uu Xisbiga Waddani kasoo qabtay xilal Kala duwan, waxa uu noqday ama ku biiray hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, sidoo kale waxa uu noqday guddida Fulinta Xisbiga Waddani. Teeda kale, waxa uu xiligii oloolaha ee Door as had a Madaxtooyadda uu dagaal xoogan oo Siyaasadeed u galay sidii Waddani u guuleysan lahaa, haseyeeshee deegaanadiisa, waxa ka haystay culeys siyaasadeed, maadaama oo ay isku beel yihiin murashaxii Kulmiye, balse dagaal iyo dedaal badan dheer kaddib, waxa uu adkaystay dhibkii oloolaha oo u Xisbigaas guul la raadinayey, nasiib daro ma guuleysan Waddani.
Waxa kaloo uu Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan xiliyadii adkaa ee doorashadii Madaxtooyaddu dhacday uu ahaa Wakiilkii labaad ee Xisbiga Waddani u joogay Koomishanka doorashada ee tirinta Codadkaa Xisbiga Waddani.
Hadaba waxa ku waajib ah Gudoomiyaha Waddani, guddida Fulinta iyo hoggaanka sare ee Waddani inay xilka Xoghayaha guud ee Xisbigaas u doortaan Siyaasi Aadan Suldan Cabdiraxmaan oo kamid Siyaasiyiinta ugu faca iyo magaca Siyaasadeed ee reer Maroodi-jeex, maadaama oo xilalka Xisbiyadd iyo kan Xukuumadu yahay saami qaybsi. La soco qaybaha dambe.
W/Q Farxaan Cali Faarax

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker