QAYBTII Q2aad: Somaliland Investment Company. 15 April 2018 08:52 120 KB

Dhamaan waad salaamantihiin
Akhristayaasha sharafta Badan.
—————————————————-
Waxaynu ka soo hadalnay 12 bisha mowduuc ku saabsanaa Somaliland Investment Company , waxaynu faahfaahinay sida loo abuuro shirkad gacansi dowli ha ahaato ama gaar haloo lahaado , ka dib waxaynu eegnay Somaliland investment company , waxaynu hoosta ka xariiqnay meelaha madmadowgu ku jiro , iyo sida aan loogu kalsoonaan karin shirkadaas .

  Maantana waxaan jecelahay inaan idinla wadaago daraasad dheer oo ku dhisan Sadex(3) Suaalood oo aan ka dhaliyey Mowduuca hore ee ah Somaliland Investment Company si Faahfaahsan  Sidam Hoose:

Su’aasha 1aad : (Waxay khusaysaa meesha laga diiwaangaliyey Somaliland Investment Company )  sidan Hoose:
——————————————————————-
*Dubai International Financial Centre (DIFC), Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah ee Dubai maxay tahay?, Yaa dagan ama ka diiwaan gashan?, Maxaa lagaga ganacsadaa ?,liisanada ama ogolaanshaha ganacsi ma DIFC ayaa bixisa mise Dubai financial Authority ayaa bixisa ?.
___________________________________________
JAWAAB:
Dubai International Financial Center(DIFC) : Waa xarun ku dhextaala magaalada dubai oo caalamiya , oo ka madaxbanaan , kuna kulmaan shirkadaha waawayn ee caalamka gaar ahaan kuwa maaliyada iyo shirkadaha adeega siiya shirkadaha maaliyada , waa xarun maaliyadeed oo madax banaan , waxaanay ka duwantahay maamul ahaan , iyo qanuun ahaanba wadanka intiisa kale ( UAE).

Waxaa la aasaasay 2014 kii , ka dib daraasad dheer ,muddo socotay , kuna saabsanayd in la helo xarun ganacsi maaliyadeed oo isku xidha Africa ,asia , midhle east , Europe ,America ,oo laga wada adeegto ,fududaysana isdhexgalka dhaqaale ee caalamka, waxaana ku guulaysat hirgalinteeda wadanka uae gaar ahaan imaarada dubai .

Sharciga imaraadka waxa uu dhigayaa qof ganacsi ka abuuraya dubai ama shirkad waa 51% muwaadin yeeshaa . Xaruntani DIFC laguma dhaqo sharcigaas , waa laga dhaafay , qofka abuuraya shirkad noocay doonto ha noqotee isagaa iska leh 100% , ta labaad waxay ka dhintay cashuurta ,oo inta hore aan wax cashuura laga qaadahayn ,markay shirkadu soo gasho ama laga diiwaan galiyo DIFC.

(DIFC is one of Dubai’s independent free-zones, which means it offers companies100% ownership without the need for a local partner. The district is governed by a common-law framework distinct from the UAE legal system with laws and regulations issued in English. DIFC offers clients a 50-year guarantee of zero taxes on corporate income and profit).

Waxa ka diiwaan gashan ama xafiisyo waawayn ku leh oo degen shirkadaha noocyada kala ah:

1.   Shirkadaha maalgashiga iyo maamulka hantida ,( Whealth management companies / asset management companies ) oo ah shirkadaha lacagta ka soo qaada dadka ama dowladaha ee maamula ee ku maal galiya meelo kale ,hadhowna dadka u celiya hantidii iyo faa’iidadii oo wada socda ama ugu shaqeeya mudho dheer.

2.   Waxa kale oo degen shirkadaha dilaaliinta ah, ee u dhaxeeya maalgaliyayaasha iyo shirkadaha la maalgashanaayo, (Brokerage Companies ),

3.   Shirkadaha caymiska ,( Insurance Companies ),

4.   Bangiyada iyo hay’adaha maalgashiga ku shuqulka leh (Banks &Other Institutional Investors ),

5.   Shirkadaha gaarka loo leeyahay ,maamul ahaan iyo raasamaal ahaanba (Proprietary trading,and investment companies), Somaliland investment company waa halka  u soo galaayo .

6.   Shirkadaha waawayn ee caalamiga ah ee dhaqaalaha oo xafiisyo ku leh (corporate offices).

7.   Shirkadaha Adeegyada siiya kuwaas sare ku xusan, ( Professional Service Providers like Audit Firms, Consultant Firms, Hutels ,Security Firms , Law Firms etc) , kuwaas ayaa ugu waawayn inta ka hawlgasha.

Waxaa jira laba waaxood oo waawayn oo intaas ku ilaalisa shuruucda maaliyadeed ee dajisan , iyo xalinta waxii khilaafaad ah ama muran ah ee dhexyimaada xarunta . sidan hoose :

i).Dubai Financial Service Authority oo shaqadeedu tahay inay xakamayso dhamaan shirkadahaas maaliyadeed iyo caawiyayaashooda ,kuna ilaaliso sharciga caalamiga ah ;

ii). Dispute Resolution Authority, waaxdani waxay u xilsaarantahay xalinta iyo gorfaynta waxii khilaafaad ah ee yimaada , waxaanay xaq u leedahay go’aan ka gaadhida ugu danbaysa waxii muran ah ee yimaada .

Xarunta waxay leedahay maxakamad u gaar ah oo dhex degen ,oo ku shaqaysa hanaan caalamiya ,kana madaxbanaan makamadaha wadanka , looguna talo galay inay u shaqayso hab caalamiya.

Dubai International Financial Centre waa xarun maaliyadeed /suuq maaliyadeed ,waxaana lagu kala gataa saamiyada kala duwan ee maaliyadeed sida saamiyada , curaarta ,lacagaha iwm.

(DIFC is a place, where trading of securities including equities, bonds, currencies and derivatives occurs).

Shirkadaha  ka diiwaan gashan waxay u diiwaan gashan yihiin laba nooc :

A.   Shirkadaha xakamaysan , ee la ilaaliyey ,la hubiyey hantidooda iyo jiritaankoodaba/xafidan (highly Regulated Companies), kuwaas waxa ogolaanshaha(CBC) ugu danbeeya siiya Dubai financial Authority , waxaana soo tasdiiqa dowlada imaaradka .

B.   Shirkadaha aan xakamaysnayn /la hubin lacagtooda , maamulkooda , (Unregulated Companies), waxayna u badanyihiin shirkado gaar loo leeyahay ,dad waliba ajaaniba, una badan had iyo jeer lacago la soo dhacay ama aan si sharciya loo helin , si markaas lacagahaas loo sharciyeeyo, ayaa waxa lagula dhuuntaa shirkadahaas aan xakamaysnayn, lacagtaas loogu bedelo lacag sharciya .

Badanaa waxay u badanyihiin lacago laga soo dhaco dowladaha soo koraya , badi Africa , lacagaha lagu helay heshiisyada sharci darada ah .

Dadkaasi markaas waa dad lacag sita oo raba maalgalin , si lacagtu u marto channels ka lacagaha sharciga ahi  maraan, una sharciyoobaan.

Waxay markaas ka samaystaan shirkado ujeedadoodu qarsoontahay ,dushana magac maal galineed ka wata , hoostana ajande kale ku jiro ( Engagement of money laundering activities and converting illegal cash transactions into legal cash ). Waxay shirkadahaasi hoos yimaadaan noocan (Proprietary trading & investment companies) . oo dhamaantooda ah shirkado aan la xakamayn, ujeedooyinkoodana qarsoonyihiin.

Somaliland Investment Company waxa uu hoos imanayaa noocan lagu dhaco ama noocan ah , qof ama group lacag sita oo raba inay suuqa maal gashadaan macno ahaan, waa shirkad waxeedaba gaar loo leeyahay , shuruudaha lagu diiwaan galiynayo way ka fududyihiin marka loo eego kuwa la xakameeyey.

Marka la eego aduunka sanadkii iibabka ka dhaca, waxa ugu horeeya isku badalka lacagta approximately 7Trillion  ayaa aduunka la kala gataa ama lacag laysku bedelaa, 4trillion oo ka mida waa lacagta la maydho ama (illegal cash circulation), xarunta ugu weyn ee money laundering waa London , ta labaadna waa dubai, oo lagula dhuunto wax alaale waxii lacag la soo dhaco.

PTIC ,Waa shirkadaha aan lacagtoodu marin chanel sharciya ee , lagu gudbiyo boorsooyinka , diyaaradaha , sida lacagaha imaaradka ama hay’adihiisu siiyaan yemen , somaliland , somalia .iwm.

Somaliland investment fund/company markaad aragto catogoriga ay ku jirto ayaad ka garanaysaa inay tahay shirkad ujeedooyin kale leh , waxay u eegtahay noocii shirkadihii tuugada ,ee intay dowlado bilaa awooda iyo shacab lacag ka soo dhacaan, caalamka kaga macaasha.
Aan taas halkaas ku dhaafo.

Su’aashii 2aad: (Waxay khusaysaa maalgashi)
————————
2.   Waxay inoo sheegeen Somaliland investment Company waa shirkad maalgashi oo dowliya .kow,Maalgashi muxuu yahay horta ? Maxaa la maalgashanayaa?, Ma dalka ayaa la maal galinayaa mise Dubai?, Mise shirkadu waxba maal galinmaysee , maalgalin ayay raadinaysaa ?.
————————————————————————
JAWAAB:
(Maalgalin ), waa hanaanka lagu howlgaliyo lacag si faaiido looga helo.

(Investment is the action or process of investing money for profit). Maalgalin waxa sameeya ;

  *Shirkadaha waawayn sida bankiyada , shirkadaha caymiska ,etc,( banks and corporate financial institutions , insurances etc),

* Waxa kale oo maalgalin sameeya,dad ku takhasusay ka ganacsiga lacagta iyo howlgalinteeda ,oo dadka intay lacag ka soo qaadaan ugu shaqeeya oo u maal galiya , hadhowna faa’iidadooda u celiya (Professional Wealth/Asset management Institutions, Like Mutual Funds , Pensions Funds etc.)

*  Waxa kale oo maalgalin sameeya dowladaha , oo marka dakhligoodu uu ka badanyahay kharashkooda ee ay helaan dheeraad , lacagtaa dheeraadka ah ayay caalamka ku maal gashaadaan.
(When the National Revenue earned /collected by the Government is more than the National Expenses incurred, the excess of money is said to be (surplus).Governments invest their surplus fund internally and externally). Tusaale , Kuwait fund, Saudi fund , abu dhabi fund , qaarna waxay raaciyaan investment Authority sida Qatar investment authority , waa hay’ado maal galin sameeya , laguna shubo lacagaha dheeraadka ah ee dowladuhu helaan ,

Somaliland Investment Fund, Sanduuqa Horumarinta ee Somaliland , waxa laynoogu soo shuubaa deeqo dowlado shisheeye, waqtigan xaadirka , hadhow hadaynu dhaqaale yeelano oo surplus helno inagaa ku shubanayna ,markaas maal gashi ayuu samayn karaa.

* Waxa kale oo maalgalin sameeya hay’adaha la wada leeyahay ama aduunka ka dhaxeeya , ama qaaradaha ka dhaxeeya , ama gobolada (All international ,continental, regional and religious Organisations ), sida QM, Bankiga aduunka ,midowga Africa , midowga wadamada muslimka , urur goboleedyada etc.

Waxa la maal gashadaa noocyada kala duwan ee ganacsiga ee, saami leh, guryaha, caafimaadka , waxbarasho , isgaadhsiin , waxsoo saar , dhulka, xoolaha , macdanta , ganacsiga caadiga ah wax kasta oo loo arko inuu faa’iido leeyahay, lacagina ka soo noqonayso , lacagtuna lacag dhalinayso , dhaqaalaha mujamaca , cashuurta dowlada , iyo adeega bulshadaba kor u qadaaya .

SOMALILAND INVEST MENT COMPANY intaas meelna kama soo galo, haday ina odhan lahaayeen , khayraad keena ayaanu iibgaynaynaa oo maal galin u raadinaynaana , waaba lagu qanci lahaa ,laakiin wadadeedii ma hayaan .

Waxa jira oo dalalku leeyihiin Organisations iib geeya ,fursadaha maalgashi ee dalkaasi leeyahay (National Professional Resource Marketing Group, selling the National profile and latent comparative advantage of the Country).
Dowladaha wax maal gashada iyo shirkadaha caalamiga ah ayay u gubyaan fursadaha dalkooda yaala iyo waxay u baahanyihiin in loo maal galiyo , waxay raadiyaan maal galin caalamiya .

Tan haday noqon lahayd , waxay noqon lahayd wax la fahmi karo ,yaanayba suuro galin,laakiin isku day wacan (attempted performance ), iyadoo aanay suuro gal ahayn Somaliland hada , oo aanay haynin wadadeedii , oo ah inaanay diyaar sanayn waxii lagu qanci lahaa , ee maal galiyayaashu ku qanci lahaayeen, dhanka shuruucda , degenaanshaha lacagta ,degenaansha siyaasada, caymisyo ,hanaanka dowladnimo iyo isku halaynteeda ,bangiyo, damaanado , aqoonsi iwm .

Su’aashii 3aad: (Khusaysaa SIC)
————————
3.Marka la sharaxo DIFC, ee hadana loo kuurgalo macnaha (Maalgalin) iyo waxa ay tahay ,ee la fahmo, lasoo qaato warbixnta intaynu ka hayno shirkadaas Somaliland investment company,Somaliland Investment Company muxuu yahay ? siduu noqonayaa marka lagu eego indha curfiga saxda ah ee Ganacsiga iyo gaalgalinta ?.
———————————————————————-
JAWAAB:
Markaad qiimayso waxa kuusoo baxaaya , Somaliland investment company inay tahay shirkad loogu talo galay in lacagtii dalka Somaliland iyo cashuurtii umada ,lagu lunsado ,lagagana howl galo dubai, dalkana khayraad kiisa lagu dilaalo oo xaqulqalin lagu badasho . wax maalgalina oo shirkadaasi keeni karto , cid aaminaysa iyo waxay caalamka ka dhaadhicin kartaa midna ma jiro , aan ahayn inay lacag Somaliland ka rarto ,uu u rarto dubai , dad gaarina ay ku shaqaystaan hantidii la wada lahaa. Waxay u eegtahay shirkadaha lacagaha maydha ee lacagaha sharci darada lagu helay ,u badasha sharci .

Abdirashid Hussein Yusuf.
Email.gahaydhle@live.com,
Doha, Qatar.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker