Qareennadii u doodayey Naciima Qorane Oo sharci-darro ku tilmaameen go’aanka maxkamadda

Hargeysa(OWN)- Qareennadii u doodayey Naciima Qorane waxaa ay sharci-darro ku tilmaameen go’aanka maxkamadda ay ku xukuntay naciima saddex sano oo xadhig ah,  iyaga oo intaasi raaciyay  in ay racfaan ka qaadan doonaan.

 

 

Qareennada  waxay maxkamadda Hargeysa u gudbiyeen codsi ay kaga dalbanayaan in la baadho tacaddiyo ay sheegeen in ciidanka Sirdoonka Somaliland iyo Boolisku u gaysteen Naciima Qorane muddadii ay gacantooda ku jirtay.

 

 

Waxaa warqadda ku qoran in ciidanka sirdoonku ay ku qasbeen Naciima Qorane inay u sheegto numberka sirta ah ee telefoonkeeda haddii kale ay u xarayn doonnaan nin Neyjeeriyaan ah oo ay dumarka u xareeyaan isla markaana waxay doonaan ku samayn doonaan haddii ay diiddo hase ahaatee waxba ma dhicin.

 

 

Abwaan Naciima, oo horay loo xidhay January , ayaa lagu eedeeyey inay   qortay  farriimo ka hadlaya midnimada Somaliland, arrintaas oo xagjir ku tahay.

 

Horay waxaa ay u timid Muqdisho, iyada oo barnaamijyo ay ka qeybgashay ku ammaantay midnimada Soomaaliya arrintaas oo u cuntami weysay Somaliland.

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker