Mid Ka Mida suuratii Caawa Aan Ku Tukanay Taraawiixda Iyo Dhadhanta Macaanida Qur’aanka.

Masaajid ka mida masaajidada ku yaal magaalada,ayaan ramadaanta taraawiixda ku tukanaa.

Labadii imaam ee tukinayay waxa ay ahaayeen kuwa alla ku manaystay cod macaan,taas oo dhaqaajinasa qalbigaaga khushuucna ku abuurasa waaxya jidhkaaga.
Marka aad carabiga taqaanid aayadaha qur’aanka dhuuxaso waxa ay kuu samaynasaa nuxur iyo dhadhan taabanasa dareemadaada oo dhan.
Qisadase aan uga socdaa waa suuratul cimraan iyadoo gaar ahaan ka sheekanasay nabi ciise waanadii uu waaninayay reer bani isreal,mucjisooyinkii rabaaniga ee uu eebbe weyne siinayayna uu xasuusinayay.
Isaga oo u sheegayay nabinimada iyo ergada uu dhulka uga yahay,taas oo uu eebbe weynana gaar uu isaga siiyay.
Isagoo u sheegayay in idinka ilaahay ku nooleyo maydka,shimbirtana uu ku afuufo naf idinka ilaahayna ay ku noqoto shimbir isaga oo u sheegayay inuu daweeyo barasta ka indhoolahana idinka rabi indho uu ugu yeelo.
Isagoo u sheegay waa nabi ciisee inuu uga waramo wixii ay cunayaan marka  ay guryahooga dhexdiisa ku suganyihiin isagoo u sheegayay inuu rumeeyey tawraatii ka horreysay si uu ugu xallaaleeyo badh ka mida wixii laga xarimay ,isaga oo uu u sheegayay in uu ulla yimiday aayado dhanka rabbi ka yimid ,isaga oo uu sheegayay in ay eebe ka dhowrsadaan adeecaana,isagoo u sheegay inuu ilaahay yahay rabigiisa iyo rabigooga dabadeed wuxuu u cadaynayaa jidka quman isagoo u tilmamayay.
Hamse riiraash

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker