Maxkamada Hargeysa Oo Xukuntay Niciima Abwaan Qorane Saddex Sanno
Maxkamada gobalka Maroodi Jeex ayaa maanta waxay maxkamada soo hor istaajiyeen Abwaanad Niciima Qorane oo mudooyinkii ugu danbeeyey ku xidhnayd magaalada Hargeysa.
Waxaanay maanta Maxkamada Gobolka ay ku xukuntey Niciima Abwaan Qorane Saddex sanno oo xadhig ah .
Waxaana ay Qareenadii u doodaayey Abwaanad Niciima Qorane ilaa hada aan wax racfaan ah aan ka qaadanin xadhiga Niciima Abwaan qorane .
Niciima Abwaan qorane oo muddo dhawr bilood ah ku xidhneyd magaalada Hargeysa ayaa waxaa lagu soo eedeyey qoraal ay barteeda Facebook soo dhigtay oo la sheegay in ay qaran nimada Somaliland kaga soo hor jeedo.
Abwaanad Niciima Qorane