TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, ciidanka qaranka Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  X/le Marxuum Axmed Cabdi Cilmi (Sanqadhyare) oo Cusbitaalka guud ee Hargeysa ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 12/05/2018, magaalada Hargeysa, iyadoo uu u geeriyooday marxuumku xanuun kaga soo booday wadnaha.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, ciidanka qaranka Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 

           

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker