WIILKII WAYNIHIISA WARQADDA U QORAY. Qalinkii Ahmed Harir Adam

Ugu horayn, In aan alle tallo saarano waa arin aad u muhiima, waana ta kaliya ee aan ku noqonayno kuwa Aaminsan Allah inuu yahay ka kaliya ee adoomihiisa ka fayda dhibaatada haleesha.

Qisadani waa qiso dhab ahay waxayna ka dhacday dalka masar, waxana aan ka soo xigtey Sh Cabdirashid Sh Cali Suufi Alle ha ilaaliyee.Waxay ku saabsantahay qoys ka kooban Aabe, wiil iyo hooyo oo ahaa qoys Alle ku xidhan.

Aabuhu wuxuu ahaa Aabe maalintii raadiya masruufka reerkiisa, habeenkina wax tara reerkiisa, waxaana uu ilmihiisa baray in Xabiibkiisu yahay Allah isagoo markasta ugu celcelin jiray.

Wiilku aad buu u xifdiyey weedhahaas uu aabihii baray, waana uu adeegsan jiray isagoo odhanaya “xabiibkaygu waa Raxmaan”.
Muddo ka dib Aabihii wiilka dhalay wuu xanuunsaday waxaana ku darnaadey xanuunkii, mana uu haysan wax lagu daweeyo waayo waxa uu ahaa nin aan haysan lacag dhakhtar lagu geeyo, waxaana u noqday dhulyaal, mana awoodo in uu masaarif  in kaco xataa.

Waxa soo bookhan jiray dadkii jaarkiisa, qaraabadiisa iyo asxaabtiisa waxanay odhan jireen Alle haku caafiyo, Alle hakaa dul qaado xanuunka qof kasta oo u yimaadaa ducadaas ayuu ugu ducaynayey.

Ilmihii wuxuu arkay in qof kastaa oo soo booqda abihii uu leeyahay Alle hakaa dul qaado xanuunka, Alle haku caafiyo waxaana uu yaqiin saday in Allahaas aabihii ka dul qaadi kara xanuunka uu yahay xabiibkiisii uu jeclaa.

Wiilkii waxa uu go.aansadey in uu xabiibkiisa oo ah Allah uu warqad u diro, isagoo ka codsanaya in uu aabihiis u caafiyo, waxaana uu u yimid hooyadii waxaanu u sheegay in uu warqad u qorayo xabiibkiisa Allah uu kaga codsanayo in uu aabihiis u caafiyo, hooyadii way iska murugaysnayd waaney ka yeeshay, ilmihii warqad ayaa uu soo qaatey waxaana uu qoray warqad Alle ku socota, isagoo ku qoray far qalqaloocda oo ilma yar oo ah far ilmo far baradi qoro oo kale, waxaaney ahayd sidan.

“Yaa Allah yaa Xabiibi yaa Raxmaan  ii caafi aabahayga xanuunsan” waxaanu ku xidhay bushqad.

Wiilkii waxa uu hooyadii ka codsaday in  ay gayso meesha waraaqaha laga diro, hooyadii waa ay kaxaysay waana ay geysay, waxaana ay ku rideen fariintii meeshi lagu ridayey waraaqaha, waxaana uu diray fariin ku socota Alle Weyne.

Warqadii waxay gacanta u gashay dad wanaagsan, waxayna yaqiin sadeen in warqadi aaanay qaadi karin una socoto Alle subxaanahu watacalaa. Waxay go.aansadeen in ay warqadan dawlada masar la socod siiyaan, waxayna u sheegeen in ay gacanta ku hayaan warqad ku socota Allah, dawladi waxay ku baaqdey shir in la isaga yimaado, waxaa la arkay  warqada ciwaankeedii, in far ilmo yar tahay, in ay Alle ku socoto waa la sawiray, jaraa,idkii ayaa lagu daabacay, warqadii oo sawiran cida qortay iyo in ay Alle ku socotay.

Jaraa,idkii waxa akhriyey dhakhtar caan ah oo haysta cusbitaal, waxaanu aadey xaafadii odaygii xanuunsanayey, markii uu salamey ayaa uu wiilkii ku yidhi, ma adiga ayaa xabiibkaaga Allah warqada u direy? wiilkii haa ayaa uu ku jawaabey, dhaktarkii ayaa ku yidhi wiilkii yaraa anna xabiibkaaga ayaa i soo direy, isla markiiba odaygii waa la qaadey cusbitaalkii ayaa la geeyey si loogu daaweeyo.

Dawladii ayaa iyana timi waxa loo sheegay in odaygii la qaadey oo dhakhtii weynaa cusbitaalkiisa geeyey, kuna daaweynayo halkaas. Dawladiina wixii kale ee ay u baahdeen ayey ka caawisay odaygii waa caafimaadey idamka Alle, reerkiina waxay noqdeen kuwo barwaaqo iyo nimco balaadhan Alle ku manaystay.

Ugu danbayn, waxa muhiima in caruurteena yaryar aan Alle jeclaysiino ku xidhno, kana yeelno kuwo xidhiidh la leh, si ay yaqiintoodu u toosto una noqoto mid ay si dhaba Alle ugu xidhan yihiin. Alle caruurteena ha wanaajiyo hana ka yeelo kuwo adeeca rabigood.

W/Q: Ahmed Harir Adam
Hargeisa, Somaliland

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker