Waa maxay siyaasad xumadu?

Horta ma daawatay wax qabadaka madaxweynaha aan weli afarta bilood u dhamaan? Riigaga, Beeraha ,wadooyinka ,skuulada ,dhakhatarada yaa trin kara?

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso.

Dhaqane;Waar heedhe inantan yar ee Naciima qorane ee miskiinada ah maxaa xadhigeedu idiin tarayaa?miyeydaan isla yaabayn?mida kale ,ma markaa salaadiintii kaloo dhan ka baqdeen baa  suldaan Nadiif ka dhamaan waydeen?Waar masaakiinta iska sii daaya.

Dhaashane;Horta ma daawatay wax qabadaka madaxweynaha aan weli afarta bilood u dhamaan?Riigaga,Beeraha ,wadooyinka ,skuulada ,dhakhatarada yaa trin kara?Mise idinku marka wax qabadaka madaxweynaha la soo hadal qaado ayaa muraad madow xidhataan?

Dhaqane;Anigu mashruucii xumbo weyne ayuubaan sugayoo isagana cidina ma soo hadal qaadin adeer.

Dhaashane;Adigu waxaad iiga warantaa Garxajisbaa shirayaan maqlee maxay ka shirayaan tolow?

Roobkina waakan u da`ee may shaydaanka iska naaraan?

Dhaqane;Waxay ka shirayaan siyaasad xumada wadanka adeer.

Dhaashane;Oo waa maxay siyaasad xumada wadanka haysataa?

Dhaqane;waxa la yidhi; Wiil yar baa Aabihii waydiiyey Micnaha Siyaasad Xumida?? Waxay tahay

Aabihii wuxu Yidhi: uma Malaynaayo inaad Aad u fahmi kartid waad Yartahay lakiin waa ku jilcinayaa

Wuxu yidhi: Anigu Guriga Ayaan Masruufaa waxa la ii yaqaana( Raasa Maalka Wadanka)

Hooyadaa Guriga iyada kala Dabarta waxa loo Yaqanaa:
( Xukuumada)

Adigana Hooyada ayaa ku Maamusha waxa Laguu Yaqaana (Shacabka)

Walaalka yar wa Rajadeena waxa loo Yaqaana (Mustaqbalka)

Khadimada No joogta waxay ku Nooshahay Xoolaheena iyadana Xoogeeda bay Na siisa waxa loo yaqaan(Xoog maalka wadanka)

Aabo Wa intaa waxa Siyaasada wada Wareeriyana Ka So fakar Waxaad ka Fahamtid Ii soo Sheeg.

Wiilkii Yara Mashruuci ayuu ku Mashquulay. Habeenkii wa seexan waayey. Mar dambe wuxu Maqlay Kii yara oo walaalkii oo Ooyaya. Wu U tagay wuxu Arkay kii Yara
Xafaadadiisa Buuxdo, Hooyadii Hurudo Dheer ku Jirto

Aabihii wu wayey wuxu ka so helay isago Qolka Khadimada iyo Khadimadii Qosol iyo Sheeko U socota.

Qolkiisa yuu ku so Noqday isagoo Yaban wareersan.

Subaxnimadii Yu Aabihii ku yidhi: wan Fahmay Siyaasad Xumida Aabo.

Odaygii ya ku Yidhi: Ii sheeg Maxaad ka Fahamtay?

Wiilkii Yara wuxu Yidhi: Markuu Raas Maalka La ciyaaro Xoog maalka Oo Xukuumada ku jirto Hurudo hurdo Dheer

Shacabkana wu Lumaa wana Wareera Mustaqbalkana Wasakh buu  Dhex jeefsadaa wana Dayacmaa.

Waa qalinkii;Baxnaan xaaji aden diiriye

                Sweden

haaheey@hotmail.com

 

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker