Shirar Doceeydyo Beelaha Habar Jeclo Uga Socda Gudaha Somaliland

Waxa Ayaamahan Uu Dambeeyay Ka Bilowday Magaalooyinka Somaliland ee Hargeisa Iyo BURCO Shirar Doceedyo Kala Duwan oo Siyaasiinta Iyo Odayaasha Habar jeclo.

 

Waxa Ayaamahan Uu Dambeeyay Ka Bilowday Magaalooyinka Somaliland ee Hargeisa Iyo BURCO Shirar Doceedyo Kala Duwan oo Siyaasiinta Iyo Odayaasha Habar jeclo Ku Lahaayen Ay Kaga Tashanayaan Xilka Gudoomiynimada Xisbul Xaakimka KULMIYE oo la Filaya In La Wareejiyo Dhowaan.

 

Waxa La Qaban Qaabinaya Shirweyne Beelaha Habar jeclo Iskugu Imanayaan Bisha Ramadaan Ka Bacdi Lagaga Tashanayo, Siyaasada Mustaqabalka Somaliland, waxaana La Filaya Inay Shirar Doceeydo la Geli Doonan Beelaha Habar awal Lagana Hadli Doono Mustaqbalka Siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE.

 

Shirarkan aya Daba Socda Kuwi Xiligi Ololaha Madaxtinimada Somaliland ee Madaxdhaqmeedka Beelweynta Habar jeclo Iyo Subeer Awal Ku galeen Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, iyado Halkaas La isla Meel Dhigay in Xisbiga KULMIYE Sidi LooGu Wareejiyay Madaxweyne Muse Biixi Cabdi Inay Iyana Ku Soo Wareejin Doonan Jagadaasi Marko Xilka La Wareego Madaxweyne Muse Biixi Cabdi.

 

Inkasto ay Jiraan Siyaasiin Badan oo Miisaan Ku Leh Xisbiga KULMIYE oo ka Soo Jeeda Beelaha Kala Duwan ee Somaliland oo Isha Ku Haya Jagada Gudoomiyenimada ayaan La Garan Doonin Sido Yeeli Doono Madaxweyne Muse Biixi Iyado Xaalado Ku adkaan Doonto, Beel kastana Siyaasiin Waaweyn Dabada Ka Soo Riixayaan si ay uu Hantaan Jagadaasi , waxaanay Ku Noqonaysa Madaxweyne Muse Biixi Laba Daran Mid Dooro!

 

 

Waxa la ogsoonyahay Haddi Xiligan Xisbiga KULMIYE Muran Ku Yimaado ino Horseedi Karo Burbur Ku Yimaada, Iyado Doorashadi Golaha Wakiilada Iyo Golaha Degaanka Inagu soo Fool Leeyahin Sanadka Soo Socda.

 

 

Si Kastaba Ha ahaate, waxa Hadda Pressure Xoogani Saaranyahay Madaxweyne Muse Biixi oo La Daala dhacaya Maamulki Dowladiisa Iyado Xiligan Somaliland Marayso Meel aad uu Halis, iyado Dowlada Dalka Somalia Farogelin Xoogan Ku Hayso Somaliland, Iyado Maamulka Dowlada Taagta Daran ee Moqadisho Hawadi Somaliland La Wareegtay, Iyado Xaalada Bariga Somaliland Meel Xun Marayso oo Dagaalo Laga Baqayo Inay Ka Dhacaan Xuduuda Tukaraq Iyo Weliba Gudaha Somaliland oo Xaaladeeda Siyaasadeed Meel Wanaagsan Ku Taagnayn Iyo Weliba Xaalada Sicir Bararki Marayo Halki Ugu Adkayd.

 

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker